Farmaajo oo ka hadlay Shirka Shidaalka Somalia ee London

Image

MUQDISHO, Somalia - Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay shirka shidaalka Soomaaliya kaasi oo maanta oo Khamiis ah si rasmi ah uga furmay magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Shirkaan oo soconaya maalmo ayaa dhaliyay muran ba’an, iyada oo ay kasoo horjeesteen xisbiyada mucaaradka ah ee dalka ka jira, iyo qaar kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caasimada UK oo ka banaan-baxay.

Dadka dhaleecaynaya shirkaasi ayaa aaminsan inuu yahay mid lagu xaraasho kheyraadka wadanka, inkasta oo dowladdu dhowr jeer ay tilmaamtay inuu yahay mid suuq-geyn loogu sameynayo Saliida dalka.

"Kheyraadka badaheenna ayaan kusoo bandhigeena mana jiraan shidaal la iibinayo," ayuu Farmaajo ku jawaabay markii su’aal arrintaan ku saabsan looga waydiiyay shirka sanadlaha ah ee Garsoorka Somalia oo Muqdisho ka furmay shalay.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta inay fasiraad qaldan ka bixinayaa shirkaasi, kaasi oo ay ka qaybgalayaan wakiil ka kala socda dowlada dhexe, maamulada iyo beesha caalamka.

"Siyaasiyiinta danaha gaarka leh baa Umadda jahwareerinaya, yeysana naga jahwareerin," ayuu hadalkiisa daba dhigay Farmaajo oo u muuqday mid ay maqaar xanuun-jisa hadalada kaga imaanaya xubnaha ka aragtida duwan.

Sikastaba ha ahaatee, su’aasha haatan taagan ayaa ah miyay shacabka ku qanci doonan hadalka Madaxwaynaha JFS, mise waxay uga baahan yihiin dowlada fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shirkaasi.

"Shidaalka Soomaaliya waa la sahminaayaa kaliya, waxa qeylinaayana waa Siyaasiyiinta Xanaaqsan," ayuu yiri Farmaajo. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM