Farmaajo oo kormeeray Xeryo Military xilli ciidanka kasoo baxayaan aagaga difaaca

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kormeer ku tagey dhowr xero ciidan oo ku yaalla magaaladda Muqdisho.

Farmaajo oo ay wehlinayeen Taliyaha ciidamada xoogga, saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin kale oo wasaaradda difaaca katirsan ayaa tagey saldhigyada Jeneraal Gordan, Dhaga-badan iyo Wasaradda Gaashaandhigga.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatey saraakiisha ciidamada iyo cutubyo katirsan ciidamada xoogga dalka, oo uu kala hadlay arrimo dhowr oo ku saabsan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoreynta degaanada ka maqan gacanta dowladda.

Farmaajo ayaa intii uu ku gudaha jiray kormeerkiisa loo xiray wadooyinka waaweyn ee Muqdisho, iyadoo saacado hakad la geliyay isku socodka gaadiidka iyo shacabka, iyadoo jidadka la dhigay ciidamada koofi-gaduudka loo yaqaano.

Madaxweynaha ayaa u muuqda mid kusoo baxay cabashada iyo gadoodka ciidamada Militeriga, oo qaarkood kasoo bxaya aagaga difaaca ee gobollada Shabeellooyinka, kadib markii ay waayeen mushaarkooda iyo raashiinka mudo 4 bilood ah.

Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa shalay u qabtey mudo 48 saacadood Madaxweynaha inuu uga soo jawaabo cabashadooda mushaar la'aanta. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM