Farmaajo oo u safray Turkiga [Akhriso sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ambabaxay maanta dalka Turkiga, isagoo ku suganaa wadanka Jabuuti, oo maalintii shalay uu booqasho ku tagey.

Socdaalka Madaxweynaha ee Turkiga ayaa yimid kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in Farmaajo lagu casuumay ka qeyb-galka lixaad ee xisbiga talada dalkaas haya ee AK Party, kaas oo furmi doona maalinta berri ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 18-ka August, 2018.

Madaxweyne Farmaajo muddada uu dalka Turkiga ku sugan yahay uu la kulmi doono Madaxweyne Erdogan, iyagoo ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta ganacsiga iyo maal-gashiga.

"Turkiga waa xulufo iyo saaxiib u dhaw Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka VillaSomalia.

Waa booqashadii 3aad oo uu Farmaajo ku tago Turkiga tan iyo markii la doortey sanadkii tagey, iyadoo safarkiisii ugu damabeeyay uu dhacay Jul 8, 2018, isagoo xiligaasi ka qeyb-galay caleema saarka Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalintii labaad ku sugan dalka Jabuuti, halkaasoo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo oo wasiirro u badana ay shalay gaareen, iyagoo wadahadal la yeeshay Ismaaciil Cumara Geelle.

Ujeedada socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti ayaa ahayd sidii uu madaxda dalkaas ugala xaajoon lahaa xal u helista khilaaf diblumaasiyadeed ee soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Jabuuti.

Jabuuti ayaa aad uga carootay baaq uu Madaxweyne Farmaajo u diray Qaramada Midoobey isagoo ku sugan magaalada Asmara 28-kii July, kaasoo ahaa in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM