Farmaajo oo u safray Turkiga [Akhriso sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ambabaxay maanta dalka Turkiga, isagoo ku suganaa wadanka Jabuuti, oo maalintii shalay uu booqasho ku tagey.

Socdaalka Madaxweynaha ee Turkiga ayaa yimid kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in Farmaajo lagu casuumay ka qeyb-galka lixaad ee xisbiga talada dalkaas haya ee AK Party, kaas oo furmi doona maalinta berri ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 18-ka August, 2018.

Madaxweyne Farmaajo muddada uu dalka Turkiga ku sugan yahay uu la kulmi doono Madaxweyne Erdogan, iyagoo ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta ganacsiga iyo maal-gashiga.

"Turkiga waa xulufo iyo saaxiib u dhaw Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka VillaSomalia.

Waa booqashadii 3aad oo uu Farmaajo ku tago Turkiga tan iyo markii la doortey sanadkii tagey, iyadoo safarkiisii ugu damabeeyay uu dhacay Jul 8, 2018, isagoo xiligaasi ka qeyb-galay caleema saarka Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalintii labaad ku sugan dalka Jabuuti, halkaasoo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo oo wasiirro u badana ay shalay gaareen, iyagoo wadahadal la yeeshay Ismaaciil Cumara Geelle.

Ujeedada socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti ayaa ahayd sidii uu madaxda dalkaas ugala xaajoon lahaa xal u helista khilaaf diblumaasiyadeed ee soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Jabuuti.

Jabuuti ayaa aad uga carootay baaq uu Madaxweyne Farmaajo u diray Qaramada Midoobey isagoo ku sugan magaalada Asmara 28-kii July, kaasoo ahaa in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM