Farmaajo oo Kulan gaar ah la yeeshay Mursal [Xogta Wadahadalkooda]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa kulan gaar ah wuxuu xalay oo Arbaco ahayd kula qaatay Madaxtooyadda [Villa Somalia], Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal.

Is-araga Farmaajo iyo Mursal ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee wadanka uu marayo, iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaynta ka dhaxeysa hay’addaha kala duwan ee dowlada uu hogaamiyo Farmaajo.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Farmaajo ayaa lagu xaqiijiyay dhamaan arrimahaan, inkastoo fahfaahin dheeri ah oo laga helayo kulan ay sheegayaan in qodobo kale ay isla soo qaadeen labada mas'uul, kuwaasi oo wali la fahfaahin.

“Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo kulan ku yeeshay Villa Soomaaliya ayaa iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka iyo sidii loo dardargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Illo wareedyo ku dhow labada dhinac ayaa u xaqiijiyay warsidaha Garowe Online in kulanka Madaxwaynaha iyo Afhayeenka Aqalka Hoose sidoo kale laysla soo qaaday xaalada Koonfur Galbeed iyo is-casilaada Shariif Xasan.

Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inay faragelin balaaran ay ku sameysay doorashada dowlad goboleedkan, xili Mudanayasha sharci-dejinta maamulkaan ay qaarkood keentay Muqdisho todobaadkan, taasoo banaanka soo dhigtay faragelinta dowladda.

Doorashada Koonfur Galbeed oo loo madalsan yahay inay qabsoonto 17-ka bishaan ayaa murashaxiinta u taagan waxaa haatan ku jira, Mukhtaar Roobow, mid kamid ah aas-aasayaasha Al-Shabaab, Lafta Gareen iyo Xuseen Calool-kuus.

Dowladda Farmaajo ayaa la fahansan yahay inay taageereyso murashaxiinta kala ah; Lafta Gareen, wasiirkii hore ee Tamarta iyo Xuseen Calool-kuus, taliyihii hore ee Hay’adda sirdoonka, kuwaasi oo Baydhabo ku sugan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM