Farmaajo oo ku wajahan Sacuudiga iyo wafdi hordhac ah oo kahor maray

Image
Image

RIYADH - Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Sacuudiga ayaa gaarey magaaladda Jeddah, iyadoo King Abdulaziz International Airport ay kusoo dhaweeyeen diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya.

Wafdigan oo uu kamid yahay Wasiirka Amniga, Maxamed Abukar Islow ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad, waxaana ay u tageen Jeddah inay u gogol xaaraan soo dhaweynta Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu casuumay kulanka degdeg ah ee madaxda Jaamacadda Carabta, oo isagu yaarey Boqor Salman kaasoo looga hadli doono xiisadda gobolka Bariga Dhexe ee u dhaxaysa Iran iyo Mareykanka.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo saacadaha soo socda uu ka ambabaxi doono Muqdisho, maadaama Shirka uu maalinta berri ah, 30-ka May ka furmaya magaaladda Jeddah.

Farmaajo ayaa maalin kahor kasoo laabtey safar uu ku tagey dalka South Africa, isagoo magaaladda Pretoria uga soo qeybgalay caleema-saarka Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo mar labaad dib loo doortey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM