Madaxwayne Farmaajo oo safray Uganda iyo ujeedka oo la shaaciyay

Image

MUQDISHO, Soomaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta u ambabaxay dalka Uganda, sida ay xaqiijisay Villa Somalia.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Madaxtooyadda [Villa Somalia], ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ka qeybgali doono kulan loogu magac-daray Shirka Afrikada maanta [Africa now confrence], oo uu martigelinaya Madaxweyne Yoweri Museveni.

Shirka oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka Daraasaadka iyo Istaraatiijiyadda hogaaminta Africa ayaa waxaa uu socon doonaa 12-13-ka bishan March, waxaana kasoo qeybgali doona Madax ka socota Qaaradda oo ay kamid yihiin hogaamiyeyaasha South Africa, Rwanda, Masar, Kenya iyo kuwa kale.

Ajandeyaal dhowr ah oo ay kamid yihiin kobaca dhaqaalaha Africa, siyaasadda, maamul wanaagga iyo is-dhexgalka bulshooyin ayaa looga hadli doonaan Shirka Kampala, iyadoo dadka lagu casuumay ay ku jiraan dhalinyaro iyo ganacsato.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inay si gaar ah isku arkaan Madax kala duwan oo Shirka ka qeybgalaysa, kuwaasoo ay kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya.

Waa safarkii 3aad oo dibadda ah oo bishan gudaheeda Farmaajo uga baxo dalka, iyadoo bishii lasoo dhaafay uu sameeyay 5 safar, waxaana socdaalkiisa joogtada ah kusoo beegmayaa xilli dhibaatooyin kala duwan gudaha wadanka ka taagan yihiin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM