Farmaajo oo la Ciiday cutubyo kamida ciidamada xooga, fariina u diray

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda ciidda kula tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Masjidka Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Goordan.

Salaaddii ciidda kaddib, Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay Ciidanka waxa uuna ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga, isagoona xasuusiyey muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya.

"Qof kast oo ku biira ciidanka waxa uu naftiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa, waana sharaf iyo waddaniyad tan ugu sarreysa. Waxaad raadineysaan waa inaad soo celisaan dalkeenna haybadiisa iyo sharafkiisa." Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan u istaagay difaaca dalkooda ay ka tarjumayso rajada weyn ee aynu ka qabno dib u soo celinta qaran Soomaaliyeed oo ka tilmaaman Gobolka iyo Caalamkaba.

Dhankooda, geesiyaasha uu Madaxweynuhu la ciiday ayaa muujiyey dareenkooda ku aaddan in hoggaanka dalku ay la qaybsadaan farxadda ciidda, waxa ayna la wadaageen erayo ay ku muujinayaan sida ay uga go'an tahay difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa isagana Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ballaaran ee ku aaddan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo tayeyntooda.

Raaisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta la socotay Madaxweynaha ee farxadda Ciiddul Fidriga la qeybsaday cutubyadan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Villa Sooomaaliya

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM