Farmaajo oo "la gaarsiiyey fariin ka timid dowlada Itoobiya"

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhacay Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wuxuu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee waddanka Itoobiya u qaabbilsan Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa Farmaajo la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya, Cabdulfataax ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay.

Warka kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaan lagu caddeyn nooca fariinta la gaarsiiyey Farmaajo oo damac xoogan uu ugu jiro in uu kusoo laabto doorashooyinka soo aadan ee waddanka.

"Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey Safiirka guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska ciidammada, adkeynta dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka oo lagu daabacay baraha bulshadda.

Bayaanka ayaa lagu daray: "Dhankiisa, Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka labada dal ee ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam, waxa uuna muujiyey ahmiyadda ay leedahay dhowrista madax bannaanida dal walba".

"Ugu danbeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi, daris wanaag iyo wax-wada-qabsi, iyada oo xoogga la saarayo in kor loo qaado heerka nololeed iyo dhaqaale ee shucuubta Geeska Afrika," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Itoobiya oo kamid ah dalalka gacansaarka dhow la leh maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa dhowaan sheegtay in ay dooneyso in doorashooyinka Soomaaliya dhacaan si aysan u saameyn gobolka aadka u nugul ee Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM