Farmaajo oo la kulmay guddoonka BF xilli waqtiga ka dhamaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay guddoonka Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah xilli muddo xileedkiisa uu idlaadey.

Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in fadhigan diiradda lagu saarey xaaladihii ugu dambeeyay ee waddanka.

Bayaanka kooban ee Madaxtooyadda oo lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa la isaga indhatiray qodobka dastuuriga ah ee sheegay in Farmaajo uu haatan yahay sii-haaye.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wadahadallo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, waxayna diiradda saareen sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd," ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan ayaa kusoo hagaagay maalin kadib qoraalo kala duwan oo kasoo baxay Midowga Musharaxiinta, Mareykanka iyo Wakiiladda Beesha Caalamka.

Midowga Musharaxiinta oo ku dhawaaqay in aysan Farmaajo u aqoonsaneyn madaxwayne sharci ah ayaa ku taliyey in la sameeyo gole heer qaran oo dhameystira heshiiskii 17-September.

Balse, saaxiibada caalamka iyo Washington oo u muuqda kuwa diidey soojeedintaas ayaa ku baaqay in lasii waddo wadahadaladii Dhuusamareeb degdegna lagu dhameeyo khilaafka taagan.

Sikastaba ha ahaatee, xaqiiqada aysan cidna dafiri karin waa in waddanka uu galay firaaq dowladeed iyo mid dastuur maadaama muddo xileedkii rasmiga ee baarlamaanka iyo hay'addaha sharci-dejinta uu kal hore uu soo dhamaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM