Farmaajo oo "u socda in uu kansar ku noqdo" Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo wuxuu u socdaa in uu Soomaaliya ku noqdo kacansarka nooca aan la daaweyn karin, sidda uu shaaca ka dhigay taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya, Cabdisalaam Guuleed.

Guuleed oo Farmaajo ku sifeeyay "kaligii-taliye" ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay si wadajir ah u wajahaan sidii ay uga badbaadin lahaayeen in uu xukunka kusii joogo qaab awood ciidan ah.

"Bini'aadamka wax kasta oo dhaca meel ayay ka weynaadaan. Farmaajo maanta waa nabar yar oo Soomaaliya ku yaala. Balse wuxuu u socdaa in uu noqdo kancsar waliba kansarka nooca aan la daaweyn karin oo loo dhinto – oo Soomaaliya ay u dhimato," ayuu u sheegay Hanoolaato Tv.

Wuxuu hadalkiisa intaasi kusii daray: "Maxaa yeelay ninka dhaqankiisa sidaas noqdey iyo wixii ka dambeeyay – haddey noqoto dhiibistii Qalbi-dhagax iyo askarta Soomaaliyeed ee tobbanka kun gaareysay ugu sadaqeeyay Eritrea – qofka nuxurkiisa iyo dadnimadiisa noocaas tahay waxaan is-leeyahay Soomaaliya waa musiibo u soo socoto walina joogta waxayna I xusuusineysaa cidda uu ku dayanaayo ayaa Siyaad Barre ah".

Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeynta iyo sheegashooyinka Guuleed. Isku dayo warsidaha Garowe Online doonayey in wax looga waydiiyey ayaanan guuleysan.

Farmaajo oo xafiiska jooga ku dhowaad laba bilood isaga oo sharciyadda ay ka dhamaatay ayaa ku guuldareystay in uu heshiis siyaasadeed kala galo maamuladda qaabka loo maareynayo mar-xalada kala guurka, taas oo dhabaha u xaartay in waddanka uu galo qalalaase dastuuri ah.

Mucaaradka oo sameystay isbaheysi si ay cadaadiska ugu kordhiyaan maamulka waqtiga ka dhacay ayaa wuxuu xusay in Farmaajo uu siyaasadeeyay ciidamadda isla markaana u adeegsanayo damaciisa soo laabashadda, waxaana ay ka digeen in talaabadaas dalka u horseedo dagaal sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM