Farmaajo oo laga codsaday in uu raaligelin bixiyo
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya waxaa lagu eedeeyay inay adeegsanayso saraakiil sirdoon oo ka tirsan Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka, Ciidanka Xoogga, iyo booliiska si ay u joojiso banaanbaxyada nabadeed ee looga soo horjeedo dib-u-dhaca doorashooyinka iyo balanqaad la'aanta ku aadan in wada-ogol lagu galayo coddeynta.
Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa inay u dareerto doorasho laga bilaabo bisha Diseembar ee sanadkan balse qorshahan wuxuu umuuqdaa mid aan fulin markii dhinacyada ka caageen tanaasul, inkastoo ay jiraan cadaadis kaga imaanayay xubnaha beesha caalamka iyo daneeyayaasha kala duwan ee madaxa banaan.
Midowga musharixiinta madaxweynenimada ayaa doonaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay raaligelin ka bixiyaan dhacdo Sabtidii rasaas nool loogu adeegsaday dhalinyaro isu soo bax ka dhigeysay magaalada Muqdisho.
Warqad luuqad adag lagu qoray oo ay soo saareen ayay musharaxiinta ku sheegeen falkaas uu ku kacay sarkaal ka tirsan yahay uu ahaa "mid fool xun".
Golaha ayaa ka codsaday beesha caalamka "in la burburiyo oo Soomaalida laga badbaadiyo keli-talisnimada iyo falal sharci-darrada".
Bayaanka waxaa taageeray hoggaamiyaha Golaha, Shariif Sheekh Axmed, oo ka codsaday dawladda in ay soo qabato askariga kasoo muuqadey shaashadaha isaga oo mudaharaadayaasha ku ganaya bastoolad.
Wuxuu shir jaraa'id uu qabtay Sabtidii shalay ahayd uu ka yiri: "Waa ficil aad u xun, waxaan u cambaareyneynaa si adag".
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaan wali war cad ka soo saarin eedeymaha hareeyay hanaanka doorashooyinka dalka.
Farmaajo ayaa doonaya in mar labaad la doorto bisha Febraayo ee sanadka soo socda wuxuuna la kulmi doonaa mucaarad mideysan bilaha soo socda.
Labada koox ayaa wali isku afgaran qaabka loo dhisayo guddiga doorashada oo mucaaradka ay ku andacoonayaan in lagu daray saraakiil ka tirsan NISA iyo shaqaalaha rayidka oo daacad u ah Farmaajo.
Dawladdu si isdaba joog ah ayey u beenisay sheegashooyinka, iyada oo ku doodaysa in kuwa ka soo horjeeda ay ka baqayaa guuldaradda. Hasa ahaatee, musharaxiinta waxay si ku cel-celis ah u soo jeediyeen in doorashada lagu galo qaab la isla ogolyahay si loowada aqbalo natiijada kama dambeysta ah ee kasoo bixi doonta marka la tartamo.
GAROWE ONLINE