Farmaajo oo lagu baaqay in loo aqoonsado "qaswade"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ugu baaqay shacabka, Dowlad Goboleedyada, bulshada rayadka ah iyo beesha Caalamka in ay "qaswade" u aqoonsadaan Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, waxay soo jeediyeen in meelna looga soo wadajeesto, si wadajir ahna looga hortago ficillidiisa gurracan ee halista gelinaya nabadda iyo xasilloonida dalka".

Musharaxiinta oo soo saarey bayaan wadajir ah ayaa ka hor-yimid isla markaana cambaareeyay jadwalka doorasho ee uu soo bandhigay guddiyadda doorashooyinka ee muranka xoogan uu ka taagan yahay.

"Goluhu wuxuu tillaabadan u arkaa bilowgii boobka doorashada heer Qaran taasoo madaxweynuhu ugu bareerayo abuuris xasarad siyaasadeed oo lagu burburinayo nidaamka dimuqraadiga ee udub dhaxaadka u ah xasiloonida dalka," ayay raaciyeen.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa ay uga harsan tahay bil iyo maalmo ayay ku eedeeyeen "in uu ka dhaga fureystay" baaqyada daneeyeyaasha ee ku aadan in uu qabto doorasho daahfuran oo isla ogol-yahay.

Madaxda maamuladda ayay uga digeen "in ay ku kadsoomaan doorasho aan la isku raacsaneyn" talaabadaas oo ay ka dhawaajiyeen in ay dhabaha u xaareyso xasilooni daro "degaanadooda ay u nugul yihiin".

"Goluhu wuxuu madaxweyne Farmaajo dusha ka saarayaa natiijada taban ee ka dhalata qabashadda doorasho aan la isku raacsaneyn," ayay qoreen.

Bayaanka ayaa lagu soo xiray: "Ugu dambeyntii, goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedyada, bulshada rayadka ah iyo beesha Caalamka in ay qaswade u aqoonsadaan Madaxweyne Farmaajo, meelna looga soo wadajeesto, si wadajir ahna looga hortago ficillidiisa gurracan ee halista gelinaya nabadda iyo xasilloonida dalka".

Baaqa culus ee musharaxiinta ayaa imaanaya xilli ay maanta shir fogaan arag ah Muqdisho kula qaateen wakiilada Beesha Caalamka kuwaasoo u balanqaadey qabashada doorasho la isla ogol-yahay 2020-21.

Qoraalka musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM