Farmaajo oo lagu booriyey "in uu laba jeer raaligeliyo Aadan Cade"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo waa in uu raaligelin ka bixiyaa laba jeer oo u gefay madaxweynihii hore ee dalka, Aadan Cabdulle Cismaan, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa naqdiyey muuqaal uu dhowaan Farmaajo ku ammaanay Aadan Cadde.

Muuqaalkaas oo qeyb ka ahaa dukumiintiri uu telefishinka qaranka ka diyaariyey taariikhda Aadan Cadde ayuu Farmaajo ku sheegayaa in Aadan Cadde uu bud-dhig u ahaa dowladnimada ay Soomaalida hada haysato.

Hase ahaatee, sida laga soo xigtay Warsame, Farmaajo wuxuu horey ugu gefay Aadan Cadde buuggiisa difaacashadda ka qalin-jabinta jaamacadda heerka labaad ee waxbarashadda Master-ka.

"Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan C/lle Cismaan halgaamaa Soomaaliyeed oo garba duuban ajnabi uma gacan gelin, uma dirin dhalinyaro Soomaaliyeed in ay dal shisheeye u diriraan, siyaasiyiin ka aragti duwan weerar kuma qaadin, dastuurka kuma tuman, deegaano Soomaaliyeed ma cunaqabatayn, muddo kororsi dagaal uma oogin, siyaasad qamaar iyo qar iska tuur ah ma gelin," ayuu yiri Warsame.

Warsame ayaa intaas ku daray: "Ma aha Madaxweyne Aadan in afka laga sheegto ee waa in dhaqankiisa lala yimaado. Farmaajo labo jeer waa in uu Aadan Cade cudur daar siiyaa".

"Marka koowaad waa gefkii uu u gaystay kaddib markii uu bogga 50-aad ee buuggii uu kaga qalinjebiyey shahaadada labaad ee Jaamacadda (Master) ku sheegay in Aadan Cadde iyo C/rashiid Cali Sharmarke, AUN, ay ahaayeen adeegayaal isticmaar, qabiilladooduna ay gumaystaha gacansaar la lahaayeen," ayuu ka dhawaajiyey.

Siyaasiga ayaa hadalkiisa wuxuu intaas kusoo gabagabeeyay: "Tan labaad, waa in uu ka raalli geliyaa siduu ugu dheelay qarankii uu budhigayaashiisa ka midka ahaa, dowladnimadana ugu gabood falay".

Dhanka kale, illaa haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan qadiyaddan oo illaa haatan kasoo baxay dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya mana ka jawaabin codsiyo uu warsidaha Garowe Online u diray xafiiska warfaafinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho

In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 12:41PM

Xildhibaano mucaarad ku ah Maamulka Xasan Sheekh oo xayiraadda laga qaadey

Sidoo kale, wuxuu ku booriyay in ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa wadashaqaynta iyo kala dambeynta Baarlamaanka, si loo gaaro horumar waara.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 11:24AM