Farmaajo oo cod dheer loogu baaqay in uu xilka iska casilo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa mar kale waxay xalay wajahdey xaalad ciidan iyo iska-hori-imaad kooban oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dowlada federaalka waxaa lagu eedeeyay in ay u durbaan-tumaneyso weerar ay ku qaado taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, Saadaq John, kaasoo xalay ku laabtey xaafada Shiirkole.

Xaafada Shiirkole waxaa ku badan bulshadda uu kasoo jeedo Saadaq Joon kuwaasoo wacad ku maray in ay ka difaacayaan "duulaan kasta oo kaga yimaada" maamulka Farmaajo".

Waxyar kadib shaqaada, Banaanbax hal-ku-dhigiisu yahay "Farmaajo dooni mayno" laguna taageerayo Saadaq Joon ayaa ka bilowdey xaafadda Shiirkole, degmada Hodan ee caasimada Muqdisho.

Mudaaharaadka wuxuu imaanayaa xilli magaala madaxda ay wajaheyso cabsi gacan ka hadal xilli khilaafka doorashooyinka iyo heer-kulka is-mari-waaga siyaasadeed uu gaarey meeshii ugu sareysay.

Xildhibaano xaafada Shiirkole kula hadlay saxaafada ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu "qaab qabyaaladeysan" ku beegsanayo Saadaq Joon "iskuna dayayo in uu gurigiisa kala baxo".

Sharci-dejiyeyaasha oo ka socday dhanka mucaaradka waxaa kamid ahaa; Cabdiraxmaan Odowaa, Mahad Maxamed Salaad, Saabir Nuur Shuuriye iyo siyaasi Kamaal Guutaale.

Shacabka ku dhaqan aagaas ayay ku booriyeen in ay iska difaacaan "cadowga duulaanka ku ah". Saraakiisha ku heybta ah ayay ku tartarsiiyeen in ay "kasoo hoos baxaan taliska diktaatoorka ah".

Madaxweynaha waqtiga ka dhacay ayay ku booriyeen inuu is-casilo "maadaama filimkii wadaniyada kasoo dhamaatay baneystayna dhiiga muwaadiniin". Geerida iyo dhaawaca ka dhashay iska hor-imaadka ayay ku eedeeyeen in uu mas'uul ka yahay Farmaajo.

Wasiirka amniga xukuumadda xil-gaarsiinta, Xasan Xundubey Jimcaale oo warbaahinta la hadlay, ayaa beeniyay in dowladda qorsheyneyso weerar ka dhan ah Saadaq Joon.

Shacabka ayuu dalbadey in aan "dagaal loo abaabulin". Kala fur-furka ciidamadda oo cidda ku lugta leh uusan carabaabin ayuu cod dheer kaga digay. "Siyaasada waa laga heshiin doonaa," ayuu ku daray.

"Farmaajo waxaa Madaxtooyadda u dhax jiifa caawa Cabdirashiid Jannan oo ah dambiile ay maxkamad xukuntay sababta uu Villa Soomaliya u jiifana waa in uu yahay ina adeerkiis, anagana Saadaq John waxaan u difaaceynaa in uu yahay ina adeerkeen oo aan Xildhibaano u nahay," ayuu Odowaa ku daray hadalkiisa.

Maadaama aysan muuqan ifafaalo ay mar kale ku bilaabanayaan wadahadalada xalka loogu goobayo muranka doorashooyinka, waxaa laga cabsi qabaa in is-mari-waaga gacan ka hadal uu isku rogi karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Daacish kala wareegay Saldhigyo Muhiim ah

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay uga cirib tiri lahaayeen kooxaha argagixisada gobolka Bari.

  • Soomaliya

    25-02-2025

  • 10:33AM

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM