Farmaajo oo lagu casuumay madal ku dhaceysa Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo ayaa kamid ay ka qeybgaleyaasha Madasha Diblumaasiyadda ee Antalya, oo ah magaalo dalxiiseed ku taala koonfurta Turkiga.

Madasha ayaa, sida ku xusan jadwalkeeda, waxay soconeysaa inta u dhaxeysa 18-ka illaa 20-ka June. Sanadkan waxaa madashan diirada lagu saarayaa xalinta dhibaatooyinka waaweyn ee ka jira aduunka.

Inkasta oo madasha ay tahay heer wasiiro, haddana ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa ka qeybgalka Farmaajo kaasoo u taagan in uu mar labaad u tartamo xilka ugu sareeya Jamhuuriyada Soomaaliya.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, iyo James Swan, erayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale kamid ah martida.

Ka qeybgaleyaasha waxaa kamid ah, madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo Raychelle Omamo oo ah wasiirka arrimaha dibadda xukuumada Nairobi, oo xiriirka kala dhaxeeya Muqdisho, uu hoos u dhacay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Farmaajo, 2017.

Sidoo kale, martida waxaa kamid ah Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani oo ah ra'iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibada Qadar, oo horaantii sanadkan ka shaqeysay isu soo dhaweynta labadan dal.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayib Erdogan, ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo furitaanka madasha, iyadda oo uu soo xiri doono wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Ankara, Mevlüt Çavuşoğlu.

Madasha Antalya Diplomacy oo dowladda Turkiga abaabusho sanadkiiba mar ayaa ka kooban doodo ay ka qeybgalaan hogaamiyeyaasha siyaasadda dunida, falanqeeyayaal iyo shaqsiyaadka caanka ka ah aduunka.

In ka badan 1,000 qof oo isugu jira madax xilal kala duwan haya iyo diblumaasiyiin ayaa la filayaa in ay kasoo muuqdaan Madashan iyadda oo Afrika si gaar ah loogu eegi doono doodaha ay mas'uuliyiintu yeelanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM