Farmaajo oo lagu dhaliilay ka baaqashada dhaarinta Geelle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa ka baaqanaya dhaarinta madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle xilli uu dhowaan Kampala u tagay caleemasaarka Yuweri Musevaniga majaraha u haya Uganda.

Maqnaanshiyaha Farmaajo waxay muujineysaa "xiriirka qalafsan" ee kala dhaxeeya madaxda gobolka Geeska Afrika xilli talkiisa uu caddeyn la'aan Jabuuti ku eedeeyay faragelinta arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabnimadii Jimcadda gaaray magaalada Djibouti, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dhiggiisa Jabuuti Maxamed Cabdulqaadir Kaamil, Wasiirro iyo mas'uuliyiin kale, wuxuuna Soomaaliya ku metelayaa ka qeybgalka caleemo saarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geellaha Jabuuti hogaamiya.

Cabdiraxmaan Xuseen Guuleed, musharax madaxwayne ahna madaxweynihii hore ee Galmudug, ayaa Farmaajo ku dhaleeceeyay ka baaqashada xaflada.

Guuleed oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa "ceeb, waji gabax iyo wax laga xumaado in Farmaajo uu ka qeybgali waayo caleema-saarka madaxweynaha dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti".

"Waa ceeb, waji gabax iyo wax laga xumaado in Farmaajo uu ka qeybgali waayo caleemasaarka madaxweynaha dalka aynu walaalaha nahay ee Jabouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Asagoo maalmo ka horna ka qeyb galay caleemasaarka madaxweyne dal gobalka geeska Afika ku yaala," ayuu ka dhawaajiyey.

Wuxuu intaas sii raaciyey: "Waa ku mahadsan yahay Ra'iisul wasaare Rooble ka qeybgalka uu ka qeybgalay iyo matalaadda uu na matalay".

"Xiriirka, walaaltinimada iyo waxa ka dhaxeeyo dalalka iyo umadaha walaalaha ah waa ka weyn yihiin kuwo si mecno dari ah loogu tunto," ayuu kusoo afjaray.

Villa Soomaaliya ayaan wali fahfaahin dheeraad ah ka bixin sababta dhabta ah ee Farmaajo uga baaqdey caleema-saarka Geelle oo hogaamiyeyaal kale oo Afrikaan ah kuna jiro ra’siisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kasoo muuqanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM