Farmaajo oo lagu eedeeyay in ay "diimeeyay" khilaafka siyaaasiga ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Villa Soomaaliya ayaa diimeysay khilaafaadka siyaasiga ah iyaddoo uga dan leh in ay ku xalaaleysato dhiiga dhinacyada kasoo horjeeda, sidda uu shaaciyey lataliyihii hore ee amniga Qaranka.

Xuseen Macalin Maxamuud, agaasimaha machadka daraasaadka amniga ee Hiraal oo u waramay telefishinka maxaliga ah ee Goobjoog, ayaa ku baaqay in laga hortago halistan "dhifka ah kahor inta aysan xidideysan".

"Waa arrin ugub ah oo naxdinteeda ah in siyaasadii ay siyaasiyiinta Soomaaliya isku hayeen la diimeeyo iyaddoo waliba diintaas cunfi looga dan-leeyahay oo dhiig xalaaleysi looga dan-leeyahay," ayuu yiri isagoo Culimada ku booriyey in ay siyaasiyiinta uga khilaafkooda ay gaarsiiyaan "heer dhiig-baneysi".

Falanqeeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray: "Arrintaas waxay ku cadahay Villa Soomaaliya [ama] madaxweyne Farmaajo in isaga uu ka dambeeyo".

Dhawaqa Xuseen ayaa imaanaya maalmo kadib markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu isagoo daliishanaya Aayad Qur'aan ah uu murashaxiinta madaxtinimada tartanka 2020-21 ku qeexay "munaafaqiin".

Filish oo ka hadlayey shir ay Villa Soomaaliya amartay in la agaasimo ayaa ku goodiyey in la beegsan doono murashaxiinta u hanqal-taagaya in ay xukunka ka tuuraan Farmaajo "hadii ay isku dayaan khal-khal gelinta caasimadda".

Si lamid ah, digniinta Xuseen ayaa kusoo hagaageysa xilli dhowaan mudaaharaad ka dhacay gobolka ay dowladda waqtiga kasii dhamaanayo xoog ku qabsatay ee Gedo "diinta iyo waddaniyada looga saarey mucaaradka".

Todobaadkii hore, Masjidka Marwaas ee Muqdisho waxaa laga qanuunadey murashaxiinta mucaaradka iyadoo laga ammaanay madaxweyne Farmaajo. Talaabadaas waxaa la sheegay in ay Villa Soomaaliya isku dabariday.

"Arrimahaas waa ugub, waa wax aan siyaasadeen horey ugu jirin. Waxaana qurux badan inta aysan raad iyo xidido yeelan la joojiyo," ayuu Xuseen xusay.

Tan iyo markii xafiiska uu yimid Febraayo, 2017, madaxweyne Farmaajo ayaa aad ugu mashquulay sidii uu u soo laaban lahaa doorashadda 2020-21, waxaana muuqaneysa qorshahaas uu fashil ku dhow yahay maadaama la diidey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM