Farmaajo oo lagu eedeeyay "in uu fal dambi ah hirgeliyey"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xabadeynta shacab u banaanbaxaya in ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah "waa dambi hirgalay mudada uu talada dalka hayo Maxamed C/llaahi Farmaajo, sidda uu sheegay musharax madaxweyne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa dhawaqaas ka dhawaajiyey xilli uu ka falceliyey rayid maanta lagu rasaaseeyay Beledwayne.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya oo kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya 2020-21 ayaa cambaareeyay falkaas la sheegay in ay ku kaceen ciidamo huwan ah kana tirsan dowladda iyo AMISOM.

"Waxaan canbaaraynayaa falalka lagu caburrinayo codka shacabka reer Hiiraan. Waxaan ugu baaqayaa ciidamada AMISOM, iyo kuwa Itoobiya in ay ka fogaadaan adeegsida awooda lagu meelmarinayo danaha gaarka ee Madaxweyne Farmaajo," ayuu Warsame soo qoray Axada maanta ah.

Mudaaharadayaasha Beledwayne ayaa goobaya arrimo ay kamid yihiin xuquuqda metelaad ee ay ku leeyihiin maamulka xaruntiisu tahay Jowhar ee HirShabelle.

"Shacab dibad baxaya oo la xabadeeyo waa danbi hirgalay intii uu xukunka hayey Madaxweyne Farmaajo. Shacabka Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in Ciidanka AMISOM ay ka amar qaataan Madaxweynaha," ayuu Warsame ku daray.

Hogaanka dhowaan la doortey ee HirShabelle ayaa u muuqda mid ku guuldareystay in uu xaliyo tabashada shacabka gobolka Hiiraan, arrintaas oo dharbaaxo ku noqon karta xulista wakiilada ku metela xeer-dejinta federaalka.

"Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu u booga dhayo dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay xabadihii ciidanka ay ku rideen dibad baxayaasha," ayuu kusoo xiray.

HirShabelle oo kamid ah maamulada taabacsan Villa Soomaaliya ayaa ka kooban gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waana maamulkii ugu dambeeyay ee ka hirgalay waddanka balse waxaa hareeyay khilaaf awood iyo kheyraad qeybsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM