Farmaajo oo la sheegay "in uu halis ku yahay" amniga qaranka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa khatarta amni ee ugu weyn ee uu haatan wajahayo qaranka Soomaaliya, sida uu ka dhawaajiyey lataliyihiisii koowaad ee arrimaha amniga Qaranka, Xuseen Macalin Maxamuud.

Soomaaliya ayaa lagu tirayaa in ay kamid tahay dalalka xasiloonidooda ay ku xiran tahayyülüne deganaanshiyaha siyaasadda taasoo saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay meesha ka baxdey kadib markii Hay’addaha Dowliga uu waqtiga ka dhamaadey iyaddoo uusan jirin heshiis iyo qorshe doorasho.

Tani aaaa horseeday khalkhal amni. Al-Shabaab waxay ka faa’iideysatay mashquulka badan ee dhanka siyaasadda iyaddoo magaalooyin ay caasimada kamid tahay ka fulisay weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Intaas wax wehlisa, ciidamadda ayaa ku kala qeybsamay is-jiid-jiidka dhanka siyaasadda. Inkasta oo hadda ay dib ugu laabteen xeryahooda, Muqdisho waxay hal asbuuc martigelisay xaalad ciidan iyo isku-dhacyo dhexmaray askarta difaaca qaranka kuwaasoo la kala saftey dowladda ibo mucaaradka.

Sida uu aaminsan yahay Maxamuud oo sidoo kale ah madaxa machadka daraasaadka amniga Hiraale, xalka wuxuu ku jiraa “in Ilaahey uu kala keeno Soomaaliya iyo Farmaajo oo raba in uu fekerkiisa u saleeyo dowladnimada”.

"Khatarta ugu weyn ee hadda wajahayo amniga qaranka waa Farmaajo. [Waa] igaar [wiil] isla saxsan oo ku qooqay howshaan isaga in aysan ka badneyn cid kasta oo ka aragti duwana uu qiyaami karo ama dili karo. Inta uu soo joogay maalin uusan sidaas sameyn - ama dad ayuu dilaayey oo uu laynayey ama dad ayuu qiyaamaayey. Labadiina maanta waa la isaga daba-yimid. Qiyaamadiina waa iska diideen Soomaalida, xoogiina xooggaa loogala hor-yimid oo ‘cid aad ka xoog badan tahay ma jirto’ aaaa lagu yir,” ayun u sheegay Hanoolaato.

Maxamuud oo ku eedeeyay Farmaajo “in uu isku maleeyo in uu dalka ku qabsaday kacdoon ama afgembi” ayaa intaas ku daray in maamulka hadda arimanaya ee waqtiga ka dhacay uu rabo qabashada “doorasho booba h”.

"Doorashooyinkii uu qabtay oo Mahdi Guuleed ka markhaati kacay waxay muujinayaan nooca doorasho ee uu rabay. Iska-daba-wareegaan uu sameynayo oo uu leeyahay waan tanaasulay wali wuxuu raadinayaa oo masaxda uga jirta boobkii Baydhabo, kii Jowhar iyo kii Dhuusamareeb,” ayuu ka dhawaajiyey.

Geesta kale, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali wax jawaab ah ka bizin eedeymaha Ivo sheegashooyinka Xuseen Macalin Maxamuud oo wareysiga Hanoolaato ku bixiyey caasimadda boqortooyadda Britain ee London.

Soomaaliya ayaa waqti xaadirkan dul-taagan isgoys iyo mindi afkeeda taasoo haddii hogaamiyeyaasha marka ay isku yimaadaan 20-ka bijstaan May ay si wanaagsan u maareeyaan mar-xalada kala gurka ka badbaadin karta qulqulatooyin doorasho balse haddii ay ku kala tagaan sababeysa cawaaqib-xumo weyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM