Farmaajo oo lagu sifeeyay "nin u taagan qas iyo fowdo"

Image
Villa Soomaaliya ayaa mar kale waxay u dhaqaaqdey "maja-xaabinta daahfurnaanta" kuraasta gobolada waqooyi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dib-u-dhinac ayaa ku yimid hadaljeedinta musharaxiinta kuraasta gobolada waqooyi ee Aqalka Sare. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dhacdadan.

Talaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadda oo Madaxtooyadda Soomaaliya lagu eedeeyay in ay u dhaqaaqdey carqaladeynta coddeyntan sida weyn isha loogu hayo.

Garowe Online wuxuu ogaadey in Farmaajo uu qaabilay odayaal iyo ergada muhiimka u ah doorashadaas. Madaxtooyada ayaan wali fahfaahin kulankaas.

Mucaaradka oo ka falceliyey talaabadda waxay ku sifeeyeen ficilkaas in ay tahay "isku day lagu mija-xaabinayo daahfurnaanta". Somaliland waxay Senate ku leedahay 11 xubnood.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa Farmaajo ku sifeeyay "nin u taagan qas iyo fowdo"

"Iyadoo ay berri ku beeggantahay maalintii hadal jeedinta murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Somaliland, ayuu Farmaajo ka shaqeeynayaa kala qaybinta odayaasha dhaqanka Somaliland ee ka qaybgelaya doorashada," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Farmaajo ma daynayo qaska iyo fidnada doorashada lagu carqaladaynayo, maadaama uusan rejo ka lahayn natiijada, welina ka tanaasulin damaciisii muddo kororsiga".

"Balse, Soomaalida iyo Beesha Caalamka ayaa lagaa rabaa in ay qaswade u aqoonsadaan meelna uga soo wada jeestaan sidii ay iskaga qaban lahaayeen. Tan kale, waa ku ceeb odayada reer Somaliland in ay Farmaajo fidnada iyo fowdada ku gacan siiyaan," ayuu kusoo xiray.

Doorashada kuraasta gobolada waqooyi ayaa kamid ah caqabadaha waaweyn ee hareeyay isla markaana dib-u-dhaca haatan taagan ku keenay doorashooyinka federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM