Farmaajo oo lagu tilmaamay "qaswade qalalaase abuur ah"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa "qaswade doonaya in uu qalalaase geliyo waddanka," sidda uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dhawaqa Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii Farmaajo uu ku dhawaaqay shir lagu saxiixayo soojeedintii guddiga farsamadda ee Baydhabo.

Farmaajo ayaa shirkaas halka maalin ah u muddeeyay 4-ta Maarso saacado kadib markii Midowga Musharaxiinta iyo Xukuumadda waqtiga ka dhamaadey ay is-afgarad ka gaareen banaanbaxa nabadeed.

Falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa is-waydiiyey haddii Farmaajo uu shirkaas uga hortagayo in uusan dhici banaanbaxa loo balansan yahay Sabtida todobaadka dambe ama in uu tuhmay doorka Ra'iisul Wasaaruhu ka cayaaray wadaxaajoodyadda.

Warsame, wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya kana mid ah mucaaradka ugu waaweyn ee dowladda dhacdey ee Farmaajo, ayaa ku baaqay in mowqif middeysan laga qaato "qaswadnimadda" Farmaajo.

"Mar kasta oo xalku soo dhowaado iyo heshiis la doonayo in la gaaro, Farmaajo ayaa khariba. Su’aashu waxay tahay: yaa ku taageeraya dalabkiisa qaswadnimadda ah? Haddii aysan jirin cid taageeraysa, markaa waxaan u baahanahay inaan mowqif mideysan ka qaadano ninkan doonaya inuu qalalaase ka abuuro dalka," ayuu kusoo qoray boggiisa Twitter.

Isu-soo-dhowaanshiyaha xukuumadda xilliga dasuuriga ka idlaadey iyo mucaaradka ayaa la filayey in uu iba-fur u noqon karo wadatashiyo guud oo heer qaran ah. Balse, waxaa mar kale mugdi geliyey shirka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM