Farmaajo oo lala xiriiriyey "guddi lagu dhisay musuqmaasuq"

Image
Xubnaha guddigan ayaa lagu waaniyey in aysan ku howlagelin "digreetada lagu jebiyey dastuurka". [Photo: Villa Somalia]

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa ku dhisay dastuur-jebin, sida uu sheegay Senator Abshir Axmed Bukhaari.

Hadalka guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Aqalka Sare baarlamaanka 10aad ee federaalka ayaa imaanaya xilli Farmaajo uu shalay daahfuray guddigan uu muranka ka taagan yahay sharciyadiisa.

Sida laga soo xigtay Bukhaari oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee mareega Facebook-ga, Farmaajo wuxuu guddigan ku dhisay "musuqmaasuq siyaasadeed iyo danahiisa gaarka ah".

Xubnaha kamidka ah guddigan oo Madaxtooyadda Soomaaliya u qabatay munaasabado kala duwan ayuu cod dheer ugu waaniyey "in ay ku dhiirradaan in ay ku howlgalaan dikreeto lagu jebiyay Dastuurka Dalka".

"Hadaba iyada oo la raacayo dastuurka KMG ah iyo xeerka ay labada Gole ansixyeen , waxaan uga digayaa mar kale in xubnaha lagu sheegay in yihiin Guddigaas ay ku dhiirradaan in ay ku howlgalaan dikreeto lagu jebiyay Dastuurka Dalka; xubnahaasna waxaa waajib ku ah in ay u hoggaansamaan shuruucda Dalka kana waantoobaan arrinkan dhaawacaya hufnaantooda iyo ammaanada Ummadda Soomaaliyeed. HAL BOOLLI AH MA DHASHO NIRIG XALAAL AH," ayuu cod dheer ku yiri.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Sida oo kale, waxaa ku baraarujinayaa hoggaanka ururada Bulshada Rayidka ah in aysan qeyb ka noqon howlaha ka soo horjeeda Dastuurkeena, aysanna ku milmin siyaasadda".

"Waxaan kaloo ku baraarujinayaa inay  qaataan kaalintooda la xisaabtanka Dowladda kana feejignaadaan dabinnada siyaasadeed ee loo dhigayo kuwaas oo ujeeddada ka dambeysa tahay in gacmaha loo geliyo howlo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo sharciyada dalka," ayuu kusoo xiray.

Qod. 112aad ee Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu xeerinaya sida loo dhisayo Guddiyada Madaxbannaan oo uu Guddiga  La-Dagaalanka Musuqmaasuqa ka mid yahay.

Sidoo kale Qodobka 10aad ee Sharciga lagu dhisay Guddiga La-dagaalanka Musuqa wuxuu waajibinayaa in Guddiga helo ansixinta Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka taasoo gabi ahaanba aanan la marsiinin.

Daahfurka guddigan ayaa kusoo aadeysa iyaddoo waddanka uu ku jiro xaalad kala guur ah. Mucaaradka wuxuu tuhunsan yahay in Villa Soomaaliya ay damacsan tahay in ay talaabooyin siyaasadeed u adeegsato guddigan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Siilaanyo: Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida oo illaa haatan aanan fahfaahin laga bixin sababta keentay.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 08:23PM

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM