Farmaajo oo loo diray dalab ku aadan "wiilasha maqan"
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo waa in uu la kulmaa waalidiinta wiilashooda maqan yihiin ee la tuhmayo in dowladda federaalka ah tababar ugu dirtay waddanka Eritrea, sidda uu ugu baaqay musharax madaxweyne.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa intaas ku daray in madaxweynaha mas'uuliyada koowaad saaran tahay.
"Masuuliyadda wiilasha maqan waxay marka koowaad ku dhaceysaa Madaxweynaha oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida. Marka xigana Taliyaha Taliska Nabadsugidda oo isagu qoray dhallinyarada una diray dalka Eritrea. Labadooda ayaa laga rabaa in ay qanciyaan waalidiinta wiilashooda weysan," ayuu Warsame soo qoray Talaadada maanta ah.
Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa ku booriyey waalidiinta in ay "degaan ilinka madaxtooyada hadii la qancin waayo".
"Madaxweynuhu waa in uu la kulmaa waalidiinta, xaq ayey ugu leeyihiin in uu qanciyo. Haddii uu diido waalidiintu waa in ay ilinka Madaxtooyada degaan, kana dhaqaaqin ilaa iyo inta ay jawaab cad ka helayaan," ayuu xusay.
Bulshadda qeybaheeda kala duwan ayuu cod dheer ugu yeeray in ay ka qeyb-qaataan dedaalada ku aadan "badbaadinta wiilasha".
"Culimmada, bulshada rayidka ah, siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada waa in aan waalidiinta garab ku siinaa sidii ay ku heli lahaayeen akhbaarta ubadkooda raq iyo ruux middood. Daddaal kasta oo haatan la bixiyaa wuxuu badbaadinayaa wiilasha aan weli dagaalka gelin ee bad qaba," ayuu ku daray.
Wuxuu kusoo xiray: "Wiilasha ciidanka iyagaa qortay ee lama qafaalin, mana aha ciidan nabad ilaalin dal kale loogu diray. Madaxweynaha iyo Taliyihiisa Nabadsugidda waa waalid ubad leh, waxba yaysan meelo kale ku meeraysan ee haddii uusan warku jirin, waalidiinta iyo wiilashooda ha wada hadalsiiyaan, haddii uu dhab yahayna ha qirteen, waa lagula xisaabtamayaahe".
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Isniintii waxay beenisay wararka ku aadan in ay dagaalka gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee Tigray ay ka qeyb-galeen askartii ay tababarka ugu dirtay waddanka Eritrea.
Sheegashooyinka ku aadan in askar ay Villa Soomaaliya tababarka ugu dirtay Eritrea laga dagaal-geliyey waqoyga Itoobiya ayaa kusoo hagaagay xilli muddo xileedka Farmaajo dhamaad yahay taasoo cadaadiska kusii kordhineysa.
GAROWE ONLINE