Farmaajo oo loo gudbinayo dhambaal uu soo diray Kenyatta
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa Axadda maanta ah loo gudbin doonaa fariin dhambaal ah oo kaga timid hogaamiyaha Kenya, Uhuru Kenyatta, sida ay warisay majalada afka dheer ee Daily Nation.
Dhambaalkaas waxaa Madaxtooyada gaarsiin doonta wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo, taasoo Axada maanta ah kaga dagtay Muqdisho socdaalkeedii ugu horeeyay ee Soomaaliya tan iyo magacaabideeda.
Warbixinta majaladda ayaan lagu fahfaahin dhambaalkaas. Hase ahaatee, waxaa lagu soo bandhigay in ajandaha socdaalka wasiirka ay ugu sareyso hagaajinta xiriirka diblumaasi ee labada dal oo laba bil kahor lasoo celiyey.
Omamo ayaa sidoo kale waxay wadaxaajoodyo la leedahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo qudhiisa tagaya Nairobi.
"Ajandaha dhabta ah ee safarka lama cayimin laakiin sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in wadahadaladu ay ku qotomaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, xallinta amniga xuduudaha iyo sidii laga yeeli lahaa natiijada dacwadda ay Soomaaliya kaga gudbisay Kenya ee Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ," ayay raacisay warbixinta.
Farmaajo ayaa xalay wuxuu soo saarey wareegto uu hay'addaha dowladda kaga mamnuucayo in ay galaan wax heshiis ah ama is-afgarad ku saabsan ammaanka iyo ganacsiga, talaabo u muuqata in uu ku durayo socdaalkan.
Faragelin ka timaada Midowga Afrika
Digreetadaas oo sharciyadeeda la duray ayaa kusoo aaday iyaddoo saacadihii lasoo dhaafay ay hareeyeen baraha bulshadda warbixinno la xiriira in labadda dal ay kala saxiixanayaan heshiis ku saabsan ganacsiga iyo ammaanka.
Ilo wareedyo ka tirsan Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in Kenya ay dhowaan ka codsatay kaalmo farsamo kuna wajahan arrimaha xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya, inkasta oo aysan caddeyn in Nairobi ay doonayso xal isku mid ah oo maxkamadda kasoo baxa.
Muqdisho waxay Nairobi ka dacweysay ICJ sannadkii 2014, iyadoo dalbatay in dib loo soo celiyo xuduudda badda. Labada dal ayaa sugaya go’aanka ugu dambeeya ee kiiskooda xadka badda. Kenya ayaa hore isku dayday in arrinta lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamad.
"Marka la eego xeerarka maxkamadda, waxaa loo malaynayaa in la xadeeyo soohdinta laakiin labada dal waa inay fadhiistaan oo ay kala xadeeyaan," ayay raacisay warbixinta majaladda.
Ilo ka tirsan Midowga Afrika ayaa u sheegay Nation in ururka uusan doonayn inuu wiiqo maxkamadda ama dacwadda balse ay diyaar u yihiin inay caawiyaan "haddii labada dhinac ay oggolaadaan dhexdhexaadin labada dhinac ah".
Soomaaliya ayaa todobaadkan gaashaanka ku dhufatay faragelin nooc kasta ah kana timaadda Midowga Afrika. Tani waxay albaabadda kasoo xireysaa in kiiskan wadahadal laga galo kaliyana la sugayo xukunka xeer-beegtadda.
GAROWE ONLINE