Farmaajo oo loogu baaqay in ku daydo Theresa May

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tartarsiiyay Madaxwayne Farmaajo in ka fal-celinta Mooshinka xilka qaadista uu uga daysado Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, ayaa todobaadkii hore ka bedbaaday Mooshin xilka qaadis ah oo ay ka keeneen Xildhibaano ka tirsan Xisibigeeda "Muxaafidka" oo dhaliilay qorshaheeda ka bixitaanka midowga Yurub [Brexit].

“Waxaanu rabnaa in sida ay [May] iyadda oo haweeney ah ugu dhiiratay inay hor-tagto Baarlamaanka oo ay kalsooni waydiisatay, inuu eedaysane Madaxwayne Farmaajo uga daysado,” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Fiqi oo war-fidiyeenka ugu waramay faras-magaaladaha Muqdisho ayaa cod dheer ku qeexay inaanu marnaba gor-gortan ka geli doonin soojeedintooda, ayna kaliya u baahan yihiin inay soo Golle joojiyaan Madaxwaynaha.

Geesta kale, Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow, ayaa qiray inay socdaan wadaxaajoodyo la doonayo in lagu dhameeyo xasaradda ka dhalatay Mooshinka xilka qaadista Madaxwayne Farmaajo.

Isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan hadii ay jiraan dadaalo ka socda dhinacyo kala duwan – oo ay ku jireen dalal shisheeye – ayuu ku jawaabay: “Haa, waxaa socda waan-waan la rabo in lagu qaboojiyo xaaladda.

In ka badan 92 mudane oo Gollaha Shacabka ah 9-kii bishaan Gudoomiye Mursal u gudbiyay Mooshinkaasi, oo uu cadeeyay Afhayeenka inuu qabtay, inkastoo ay ku khilaafeen ku xigeenadiisa, taasi oo khal-khal siyaasadeed abuurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM