Farmaajo oo loogu baaqay in uu ka laabto "riyo maalmeedka"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku tartarsiiyey madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo in uu ka laabto wax uu ugu yeeray "riyo maalmeedka" kuna laabto miiska wadaxaajoodyadda.

Musharaxa madaxwayne oo Isniintii shalay ahayd qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sidoo kale wuxuu gaashaanka ku dhuftay go’aanka halka dhinaca ee Golaha Shacabka kororsiga ku sameeyay.

Madaxwaynihii hore ee maamul goboleedka Galmudug ayaa hogaanka federaalka ee waqtiga ku sifeeyay "kuwa ku fashilmay daadihinta heshiiska doorashooyinka ee 17-kii September una ololeynaya doorasho qof iyo cod ah".

"Waxa maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday waxaa lagu tilmaami karaa sheekadii aheydeyd "WAA SOCON WEYNAYE AYNU ODORNO". Waana arin si kasta u baal marsan shuruucda iyo dastuurka dalka u yaala," ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

Wuxuu raaciyey: "Hogaankani waa hogaan ku fashilmay waajibaadkii iyo howlihii loo idmaday oo ay ka mid aheyd inuu dalka ka hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah inta muddo xileedka heyadaha dastuuriga ah uusan dhaanin".

"Waa hogaan daadahin waayey meel marinta heshiiskii lagu qaatay in hanaan doorasho dadban ah laga hirgaliyo dalka," ayuu caddeeyay.

Siyaasiga ayaa intaas kusii daray: "Waa hogaan ku guul dareystay isku heynta dalka. Hogaankaa asaga ah cid maanta ka aqbaleyso ma jirto inuu awoodda ku sii jooggo muddo kordhin sharci dari ah".

"Waxaan ugu baaqaya Farmaajo inuu riyo maalmeedka ka soo laabto, una soo laabto wadahadaladii dalka looga hirgalinayey doorashadii lagu heshiiyey, dalkana uusan u horseedin qalalaase iyo xasilooni dari siyaasadeed iyo mid amni," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Cabdikariin Guuleed.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii bishii Febraayo sanadka 2021 ayaa doonaya in uu difaacdo kursigiisa. Hasa ahaatee, waxaa uu wajahayaa eedeymo ku saabsan in uu eedo ah in uu kursiga isku dejinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM