Farmaajo oo qaabilay wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay.

James Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa tilmaamay in uu dadaal muuqda ku bixin doono taageridda arrimaha hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan himiladooda ku aaddan helitaanka Soomaaliya xasilloon oo horumarsan.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay ku garab siiso gudashada waajidbaadkiisa inta uu ku sugan yahay dalka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ku bixinayso sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib u heshiisiinta dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu gacan siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku hor gedaaman.

Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Villa Soomaaliya

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM