Farmaajo oo mudaaharaad ka abaabulaya dalalka reer Galbeedka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo ayaa abaabulaya banaanbaxyo ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee Yurub iyo Mareykanka, sida uu ogaadey bogga Garowe Online.

Illo wareedyo ayaa u sheegay GO in magaalooyinka la qorsheynayo in mudaaharaadka ay ka dhacaan ay kala yihiin; caasimadda Ingitiiska ee London, magaala madaxda Sweden ee Stockholm, Minnesota, iyo Columbus ee gobolka Ohio.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in mudaaharaadyadda ay kasoo muuqan doonan boorar ay ku qoran yihiin erayo lagu diidayo "faragelin shisheeye" oo lagu sameeyo is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Qorshahan lagu diyaarinayo banaanbaxa ayaa soo deg-degay kadib markii Villa Soomaaliya ku fashilantay in ay taageero caalami ah u hesho muddo kororsiga labada sano ee Golaha Shacabka u sameeyay maamulka Farmaajo.

Qof si weyn ula socda qorshaha banaanbaxa ay Villa Soomaaliya ka abaabuleyso magaalooyinka waaweyn ee dalalka reer Galbeedka ayaa tibaaxay in ay u badan tahay in banaanbaxyada qaar ka dhacaan agagaarka xarumo dowladeed.

"U diyaar-garowga banaanbaxyadda ayaa haatan soconaya. Farmaajo oo ay u badan tahay in uusan ka laaban doonin go'aankaas uu xalay saxiixay. Wuxuuna doorbidayaa in uu la dagaalamo quwadaha duunka," ayuu ku daray.

Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska oo si xooggan uga hor-yimid muddo kororsiga labada sano ee maamulka Farmaajo ayaa ku cagajugleeyay cunaqabateyn iyo dib-u-eegida xiriirka Soomaaliya haddii la meelmariyo muddo kororsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM