Farmaajo oo mudaaharaad ka abaabulaya dalalka reer Galbeedka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo ayaa abaabulaya banaanbaxyo ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee Yurub iyo Mareykanka, sida uu ogaadey bogga Garowe Online.

Illo wareedyo ayaa u sheegay GO in magaalooyinka la qorsheynayo in mudaaharaadka ay ka dhacaan ay kala yihiin; caasimadda Ingitiiska ee London, magaala madaxda Sweden ee Stockholm, Minnesota, iyo Columbus ee gobolka Ohio.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in mudaaharaadyadda ay kasoo muuqan doonan boorar ay ku qoran yihiin erayo lagu diidayo "faragelin shisheeye" oo lagu sameeyo is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Qorshahan lagu diyaarinayo banaanbaxa ayaa soo deg-degay kadib markii Villa Soomaaliya ku fashilantay in ay taageero caalami ah u hesho muddo kororsiga labada sano ee Golaha Shacabka u sameeyay maamulka Farmaajo.

Qof si weyn ula socda qorshaha banaanbaxa ay Villa Soomaaliya ka abaabuleyso magaalooyinka waaweyn ee dalalka reer Galbeedka ayaa tibaaxay in ay u badan tahay in banaanbaxyada qaar ka dhacaan agagaarka xarumo dowladeed.

"U diyaar-garowga banaanbaxyadda ayaa haatan soconaya. Farmaajo oo ay u badan tahay in uusan ka laaban doonin go'aankaas uu xalay saxiixay. Wuxuuna doorbidayaa in uu la dagaalamo quwadaha duunka," ayuu ku daray.

Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska oo si xooggan uga hor-yimid muddo kororsiga labada sano ee maamulka Farmaajo ayaa ku cagajugleeyay cunaqabateyn iyo dib-u-eegida xiriirka Soomaaliya haddii la meelmariyo muddo kororsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM