Farmaajo oo muddeeyay shirka DF iyo maamuladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa iclaamiyey in 1-da Febraayo illaa 3-da Febraayo uu wadahadlao la yeelan doono madaxda dowlad goboleedyadda, sidda ku xusan qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareegaha Twitter-ka.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo ayaa intaas ku daray in uu 5-ta Febraayo hortagi doona labada aqal ee baarlamaanka ugana warbixin doono arrimaha doorashooyinka.

"Iyada oo qayb ka ah dadaalkeena ku saabsan heshiiska doorashooyinka Sebtember 17, waxaan la yeelan doonaa kulan wadatashi 3 maalmood ah la yeelan doonaa hogaamiyeyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka [ee ka qeybgalay] Samareeb [Dhuusamaeeb] – laga bilaabo 1-da ilaa 3-da Febraayo 2021. 5-ta Febraayo, waxaan kala hadli doonaa labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka horumarka qarankeena ka sameeyya doorashooyinka heer federal," ayuu Farmaajo ku yiri qoraalkiisa kooban.

Dhanka kale, madaxtooyadda Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa soo bandhigtay shan qodob oo Farmaajo go'aansaday una muuqda natiijo kasoo baxdey kulankii maanta uu la qaatay Beesha Caalamka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorashadii lagu heshiiyey waxaa uu soo saaray go'aanadan," ayaa lagu yiri qoraalka.

Go'aanadda ayaa kala ah;

1- Madaxweynuhu wuxuu shir iskugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Samareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021.

4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

5- Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.

Qodobada ugu culus ee is-mari-waagu ka taagan yahay ayaa kala ah; guddiyadda ay shaacisay xukuumadda federaalka ah, ciidamadda ay dowladda ku daabushay gobolka Gedo iyo xulista wakiiladda Somaliland ku metala baarlamaanka federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM