​Farmaajo oo Muqdishu lagusoo dhaweeyay [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'isal wasaarihii hore Somalia ahna murashax u taagan xilka Madaxweynaha dalka, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdishu, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen boqolaal dadweyne ah.

Laamaha ammaanka ayaa saakadii hore taageerayaashiisa u diiday inay gudaha u galaan gaaroonka diyaaradaha Aadan Cadde, balse waxay ku sugeen afaafka madaarka halkaasoo ay uga soo galbiyeen hoygiisa.

Mar uu hadal kooban warbaahinta siiyay, wuxuu aad uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay isagoo tilmaamay inuu filayo is-badal suuban oo dalka Somalia ka dhaca doorashada soo socota.

Farmaajo, ayaa fariin u diray siyaasiyiinta Somalida gaar ahaan ragga hadda u ordaya inay qabtaan hogaanka dalka u sareeya, isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan taageerada ay weydiisanayaan dalalka shisheeye, wuxuuna ku booriyay inay iimaansadaan dadkooda iyo dalkooda.

Murashaxan, ayaa xusay in waddanka iska leeyihiin Somali oo kaliya, masiirkiisa iyagu go'aan ka gaarayaan gaar ahaan xildhibaanada dhawaan la doortay, kuwaasoo sheegay inay huwanyihiin magaca iyo codka dadka.

Socdaalkiisan oo kaga yimid waddanka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi, ayaa kusoo aaday xilli murashaxiin badan ku suganyihiin Muqdishu, kuwaasoo noqday rajo ku nool aan ogayn waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada dalka oo dhowr jeer dib u dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM