​Farmaajo oo noqday Madaxweynaha Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa Madaxweynaha Somalia noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii Xasan Sheekh oo wareegga ugu dambeeya kula tartami lahaa uu ka haray doorashada islamarkaana ugu hambalyeeyay xilka uu ku guulaystay.

Farmaayo ayaa wareegii Labaad ee tartanka helay codad gaaraya 184 cod halka Xasan Sheekh uu helay 97. 327 mudane ayaa codadkooda dhiibtay wareegaas.

Guddoomiyaha golaha Barlamanka Somalia ayaa sheegay in wareeg saddexaad la aadi doono, Balse waxaa arrintaas beeniyay Xasan Sheekh oo qaatay go'aan aan la filayn kadib markii uu qiray in doorashada uu ku guulaystay Farmaajo islamarkaana ugu hambalyeeyay xilkaas.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Somalia, ayaa hadal kooban oo madasha doorashada ka jeediyay, wuxuu ku qiray in Xildhibaanadu ka dhabeeyeen rabitaanka shacabka isagoo tilmaamay in dalka uu ku hagi doono wadada guusha islamarkaana ka shaqayn doono arrimo kala duwan.

Khudbaddiisa, wuxuu ku ballanqaaday saddex arrimood oo kala ah;

Inuu xafidato Ammaanada Qaranka

Inuu ku shaqayn doono cadaalad

Iyo inuu gacan siin doono dadka Saboolka ah ee kaalmada u baahan.

Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu maalmaha soo socda jeedin doon khudbad ku saabsan wax-qabadkiisa iyo sidii lagu gaari lahaa hormar wanaagsan.

Dhinaca kale, waxaa hadal kooban jeediyay Madaxweynihii hore Somalia oo tartanka isna ku jiray Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna soo dhaweeyay guusha Farmaajo isagoo ballanqaaday inuu la shaqayn doono.

Doorashadan ayaa ahayd middii ugu xiisaha badnayd ee dalka ka dhacda, isagoo murashaxa guulaystay uu ku jira shakhsiyaadka aan loo saadaalinayn balse taageerada weyn ku dhex lahaa shacabka.

Farmaajo, wuxuu sannadkii 1962-dii ku dhashay magaalada Muqdishu isagoo ah professor haysta cilmiga siyaasadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM