Farmaajo oo ogolaadey muddo kordhinta loo sameeyay AMISOM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxa AMISOM, Francisco Madeira ayaa Axadii kulan ku yeeshay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarey doorka ciidamada Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya, muddo kordhin hal sano oo loo sameeyay howlgalka iyo ciidamo laga dhimayo taliska.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madeira ayaa waxaa lagu shaaciyey in dhinacyadda ay isla qaateen dhamaan arrimahaasi oo qeyb ka ah qorshaha kala guurka Soomaaliya.

Qorshahaasi oo ay isla diyaariyeen Beesha Caalamka iyo dowlada federaalka ayaa ujeedkiisu yahay in marka la gaaro 2021-ka mas'uuliyadda amaanka dalka ay la wareegeen xoogaga dowlada.

Bishii Maaj ayuu Golaha Amaanka Qaramada Midoobay meel-mariyey in hal sano loogu daro joogitaanka AMISOM kahor doorashada qof iyo cod ee 2020-21 iyo in la dhimo 1000 askari.

"Waxaan isku afgaranay in AMISOM ay wali muhiimad balaaran u leedahay dedaalada xasilinta Soomaaliya iyo dabar-jarka Al-Shabaab," ayaa lagu yiri qoraalka.

Madeira oo sii hadlaya, sida ku cad bayaanka, wuxuu hadalkiisu raaciyey: "Dedaalada wajirka ah waa in ay ii socodnaa, waana mid waajib nagu ah in Al-Shabaab aan gacanta ku dhigno".

Geesta kale, Madeira ayaa xusay in madaxweynaha ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xorreynta degaanada Sabiid iyo Caanoole oo ay qabsadeen ciidamada xooga oo garab ka helaya AMISOM.

"Tuulooyinkaasi oo ay u tiilay jidgooyooyin sharci darro ah, haatan masii yaali doonan," ayuu daba dhigay isaga oo sharaxaya muhiimada degaanadaasi oo Al-Shabaab ilo dhaqaalo u ahayd.

Ugu dambeyntii, waxa uu wacad ku maray in Midowga Afrika uu sii wadayo dedaaladda xasilinta Soomaaliya, oo ah dal kasoo kabanaya colaado sokeeye muddo ka badan tobban sano.

AMISOM oo la aas-aasey sanadkii 2007-dii ayaa waxaa uu noqday howlgalkii ugu dheeraa ee nabadeyn ah ee laga fuliyo Afrika xili waqtigooda uu gabaabsi yahay ma jiraan guulo muuqda oo gaareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM