Farmaajo oo raali gelin ka bixiyay dhiibistii Qalbi Dhagax

Image

NAIROBI - Gudoomiyaha ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kadib kulan ay kula yeesheen Magaaladda Asmara Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ay kawada hadleen waxyaabo badan.

Wuxuu xusay in kulankooda diirada ay ku saareen arrinta Cabdi Kariin Muuse [Qalbi Dhagax] oo bishii Agoosto ee sanadkii 2017 xukuumadda Khayre u gacan-gelisay Itoobiya, iyo go'aan Gollaha Wasiiradda ugu tilmaameen Jabhadda ONLF "urur argagixiso".

Cismaan ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in Farmaajo uu si cad ugu sheegay inuu ka xun yahay wixii dhacay oo ah in la dhiibay Qalbi Dhagax, isagoo ku nuux-nuux saday inuu ka bixiyay Madaxweynaha talaabadaas raalin gelin buuxda.

Qalbi Dhagax ayaa wuxuu dib uhelay xorriyadiisa bishii lasoo dhaafay ee June, kolkaasoo uu cafis ufidiyay Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, wuxuuna markii banaanka yimid si kulul ugu weeraray xukuumadda Khayre inay iyadda dhiibtay.

"Madaxweynaha oo aan isku aragnay Asmara halkaasoo uu ku joogo booqasho caadi ah, wuxuu noo sheegay inuu ka xun yahay wixii dhacay. Wuxuu naga siiyay raalin buuxda oo ka raali noqdo ayuu nagu yiri," ayuu Gudoomiyaha ku sheegay wareysi uu bixiyay.

Mar wax laga weydiiyay go'aankii Gollaha Wasiiradda ugu tilmaameen ONLF "urur argagixiso" ayuu Gudoomiyahu sheegay in Farmaajo hadalkaasi waxba kama jirin ka dhigay, islamarkaana u caddeeyay in uu u aqoonsan yahay Urur gobanimo doon ah.

"Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay, horeyna uga dhawaajiyay in ONLF ay tahay Urur gobanimo doon ah uuna raacsan yahay go'aanka kasoo baxay Baarlamaanka," ayuu Maxamed Cumar Cusmaan, Gudoomiyaha Jabhadda ONLF ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, Gudoomiyaha ONLF, Maxamed Cumar Cusmaan ayaa wuxuu tibaaxay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay ku heshiiyeen in laga wada shaqeeyo nabad-gelyadda, islamarkaana uu ubalanqaaday in dowladiisa ay garab taagan tahay.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay VOA-da ayaa xaqiijiyay inuu kulan Asmara ku dhexmaray Farmaajo iyo Gudoomiyaha ONLF, isagoo ka gaabsaday inuu afahfaahin dheeraad ah ka bixiyo. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM