Farmaajo oo "raba in uu Kenya ku dharbaaxo xayiraadyo kale"

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in uu Kenya kusoo rogo xayiraadyo kale oo diblumaasiyadeed hadii ay sii wado "faragelinta ay ku hayso doorashooyinka Febraayo," sidda uu wariyey bogga The Standard.

Majaladda oo soo xigatay illo wareed aad ugu dhow Farmaajo ayaa xustey in uu ku fekerayo in uu shaqadda ka eryo 100-kun Kenyn ah kuwaasoo ka shaqeeya gudaha Soomaaliya gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha.

"Madaxweyne Farmaajo wuxuu dhawaan iclaami doonaa in Kenya ay tahay cadow taasoo la macno ah in 100-kun qof ay si toos ah u weyn doonan shaqadooda. Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya waa in ay xal u hesho qalalaasaha," ayuu yiri qofka uu soo xigtay jaraa'idka ee magaciisa aan la shaacin.

Warsidaha Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin sheegashooyinka wargeyska. Balse isku dayo uu doonayey in uu Villa Soomaaliya iyo xafiiska Farmaajo wax kaga waydiiyo ayaan guuleysan.

Maalmo kahor ayay ahayd markii Dowladda Soomaaliya lasoo laabatay safiirkeeda Nairobi isla markaana ay danjiraha Kenya ku amartay in uu waddankiisa ku laabto iyaddoo cuskatay "faragelinta arrimaha gudaha waddanka".

Muqdisho ayaa sheegtay in Nairobi ay cadaadineyso madaxda Jubaland "si ay u hagal-daaciyaa heshiiska doorashooyinka ee la gaare September".

Madaxda Jubaland iyo dowladda Kenya ayaa iska fogeeyay eedeymahaas. Siyaasiyiinta mucaaradka waxay ku sifeeyeen "olole doorasho".

Maalin kadib go'aankaas, dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay dadka ku safraya baasaboorka Kenya in ay codsi soo gudbiyaan kahor inta aysan soo caga-dhigan garoonka Muqdisho oo ay xustey in aan fiisaha lagu siineyn.

Dhamaan talaabooyinkan waxaa kasii horeeyay mamnuucida maandooriyaha Miiraha kaasoo Muqdisho kalkii hore u joojisay Covid-19 awadeed balse isku rogay in Villa Soomaaliya u adeegsato hub ay kula dagaalanto Kenya.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore ka baaqdey shir deg-deg ah oo ay kasoo saari lahaayeen go'aano ay kamid yihiin in Jubaland ay tahay dhul uu cadow haysto iyo in ciidamadda Kenya ay waddanka ka baxaan.

Farmaajo ayaa u muuqda mid sameynaya wax kasta oo uu ku difaacan karo kursigiisa marka la gaaro Febraayo, 2021. Balse waxaa calaamad su'aal dul-hooganeysaa hadii uu ku guuleysan doono mashruuciisa ka dhanka ah Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin Cusub: Imisa duqeyn ayuu Mareykanka Soomaaliya 2025

Dhibaatooyinka dhinaca amniga ee Soomaaliya waxaa sii adkeeyay go'aan dhawaan ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Bihi Iimaan Egeh.

  • Soomaliya

    06-03-2025

  • 08:53AM

Axmed Madoobe Oo Ka Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dagaalka milateriga ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sababay dhimashada in ka badan 200 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-03-2025

  • 02:11PM