Farmaajo oo Rooble ku wareejiyey mas'uuliyada doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dalbadey Golaha Shacabka in dib loogu laabto heshiiska 17-kii September.

Ra'iisul wasaare Rooble ayuu ku wareejiyay hogaaminta geedi-socodka iyo ammaanka doorashooyinka. Xukuumadda xilgaarsiita ayuu ku tartarsiiyey in ay u diyaar-garowdo gudashada waajibaadkaas.

Go'aanadan ayuu Farmaajo kaga dhawaaqay hadaljeedintiisa fadhiga gaarka ah ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah kaasoo Sabtida maanta ah uu hortagay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda ayuu ku tartarsiiyey in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh iyo in ay wadahadalo ku raadiyaan xalka khilaafka oo asalkiisu yahay mid siyaasiyadeed.

Dhanka kale, sida uu ku dhawaaqay afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, Golaha Shacabka ayaa aqbalay dib-u-ugu laabashada 17-kii September, waxaana ogolaadey 140 Xildhibaan oo ka qeybgashay fadhigii maanta.

Bishii December 26-keeda sanadkii lasoo dhaafay 2020 ayay ahayd markii Aqalka Hoose uu meelmariyey heshiiska doorashadda oo ay Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxda federaalka iyo kuwa maamuladda.

Ansixinta ku noqoshadda heshiiska doorashooyinka ayaa waxay la macno tahay in meesha ka baxeyso muddo kororsiga labadda sano si sharci daradda ah uu isla golahan uu ugu sameeyay Farmaajo asbuucii hore.

Meelmarinta Aqalka Hoose kadib, Farmaajo ayaa ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble u xilsaarey qabanqaabada shir ay madaxda dowladda federaalka, maamulada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ka yeeshaan fulinta heshiiska 17-kii September "si shuruud la'aan ah".

Dhawaqa Farmaajo ee ku aadan "si shuruud la'aan ah" ayaa la fahansan yahay in uu kaga hortagayo in miiska wadaxaajoodka yimaadaan doodihii horey u taagnaa oo ay kamid tahay xal u helida qadiyadda gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM