Farmaajo oo safar degdeg ah ku tagey Eritrea [Sawirro]

Image
Image
Image

ERITREA - Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah ka degay magaaladda Asmara ee xarunta Eritrea maalin kadib markii uu ka qeybgalay Shir degdeg ah oo looga hadlay arrimaha Sudan iyo Libya, kaasoo lagu qabtey Masar.

Yemane Meskel oo ah Wasiirka Warfaafinta dowladda Eritrea ayaa xaqiijiyay safarka Farmaajo ee Asmara.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Madaxweyne Farmaajo oo ay la socdaan Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre iyo mas'uuliyiin kale uu Garoonka Diyaaradaha caalamiga Asmara kusoo dhaweeyay dhigiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Farmaajo iyo Isaias Afwerki ayaa wadahadallo ku leh qasriga Madaxtooyadda magaaladda Asmara, iyadoo aan wali la faahfaahin waxyaabaha ay kawada hadlayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa July 2018 booqday Asmara, iyadoo booqashadiisa soo celisay xiriirkii Soomaaliya iyo Eritrea oo 15 sano maqnaa, waxaana tani dheerageliyay isbedelka uu wado Ra'iisual Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM