Farmaajo oo shaaciyey mowqifkiisa shirka Muqdisho

Image

WASHINGTON, USA - Maqaal la sheegay in uu qoray madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa Talaadada maanta ah lagu daabacay majaladda Foreign Policy.

Qormadda ciwaan looga dhigay "ha igu eedeyn dib-u-dhaca doorashooyinka Soomaaliya" ayaa umuuqata hadaljeedintii 28-kii April Farmaajo u jeediyey dadweynaha kahor inta uusan hortagin Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah oo English loo turjumay.

Farmaajo oo diiradda in uu isla leexiyo mas'uuliyadda daahida qabsoomida coddeynta heer federaal ayaa ku adkeystay in maamulkiisa uu ka shaqeynayey "in uu awooda dib ugu celiyo shacabka".

"Doorashooyinka Soomaaliya dib ayey u dhaceen sababtuna ma ahan in aan doonayo inaan xukunka ku dheganaado, sida qaar been abuureyaal ah ku doodeen, laakiin sababta waa culeys siyaasadeed oo keenay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah ay ku kala qeybsamaan wadada loo marayo," ayuu qoray.

Sharciga muranka dhaliyey ee Golaha Shacabka labada sano ugu kordhiyey dowladiisa ayuu mar kale difaacay, isaga oo mucaaradka iyo Beesha Caalamka ku eedeeyay "in ay si qaldan u fasireen".

"Nasiib darro, in kasta oo xildhibaannada ay madax-banaan yihiin, ficilkan waxaa loo qaabeeyey inuu yahay muddo-kordhin sharci-darro ah oo ay ka sameeyeen mucaaradka dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah saaxiibbada muhiimka ah ee Soomaaliya ee caalamiga ah, magac ahaan waa in yar balse waa Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Mareykanka. Xaqiiqdii, tani waxay ahayd fursad dhammaystiran oo lagu soo afjari kari lahaa gacan ku sareynta qabiilka ee mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya," ayuu tibaaxay.

Cawaaqib-xumada ka dhalatay sharcigaas muddo kordhinta waxaa kamid ahayd in ay ku kala qeybsameen ciidamadda; qaarka diideyna soo galeen Muqdisho taasoo horseeday rabshado iyo dagaal.

Hase ahaatee, Farmaajo wuxuu aaminsan yahay in qulqulatooyinka ay "kiciyeen" mucaaradka "una arkeen fursad ay ku meelmarin karaan ajandaha ay kaga soo horjeedan nidaamka xisbiyada badan".

"Rabshadihii siyaasadeed ee dhawaan hareeyay Soomaaliya waxaa si fursad ah u soo bandhigeysaa in ay tahay fursadii ugu dambaysay ay helayaan maleegaan kuwa kicinaya, laakiin ma jirto waddo looga gudbo kala guurka ay Soomaaliya ugu gudbeyso nidaamka dimuqraadiga ah," ayuu hadalkiisa intaas ku daray.

Shirka loo balansan yahay 20-ka bishaan May in uu Muqdisho ku dhexmaro hogaanka dowladda federaalka iyo maamuladda ayuu rajeeyay in uu horseedo in dalka ka gudbo hubanti la'aan doorasho.

"Dhamaadka bishan, waxaan markale ku laaban doonnaa miiska si loo dhameystiro heshiiska lagu hirgalinayo doorashooyinka dadban. Hawsha waxaa hogaaminaya Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaanan hubin doonaa inuu noqdo mid loo wada dhan yahay sida ugu macquulsan ee ku dhici kara xaddidaadda doorashada dadban iyo inay ku dhacdo fursadda ugu horreysa ee ugu macquulsan," ayuu tibaaxay.

Xilli uu la xiriiriyey dowladaha Kenya iyo Imaaraadka "oo xiriir fiican uusan kala dhaxeyn Soomaalia," maamulada Puntland iyo Jubaland ayuu mar kale wuxuu si gaar ah ugu dhaleeceeyay in ay curyaamiyeen "hadafkeyga" in Soomaaliya ka takhalusto awood qeybsiga 4.5 una talaabsato qof iyo cod.

"Si taas loo gaaro, waan gaareynaa, waana in aan marwalba ku dadaalnaa codeyn guud iyadoo la hirgelinayo doorashooyinka dadban ee hadda jira si Soomaaliya ay uga baxdo dabinka nugul ee soo noqnoqda ee muddada dhow ayna dadkeeda oo dhami dooran karaan hoggaamiyeyaashooda muddada fog," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Farmaajo oo xilheyntiisu ay ku ekeyd 8-dii Febraayo ayaa xafiiska baaqi ku ah in ka badan saddex bilood isagoo ku fashilmay in kahor dhamaadka waqtigiisa, wuxuuna wali rabaa in uu difaacdo kursigiisa. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM