Farmaajo oo sheegay inuu hoos u dhigay Musuq-maasuqa [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Khudbad ka jeediyay Dibadbax lasoo abaabulay, oo loogu dabaal-degayay 100-kii Malamood ee uu Xafiiska joogay.

Banaanbaxa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirro,  Xildhibaanno, Saraakiil ciidan, Gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyo shacab ka kala yimid 17-ka degmo ee magaalada Muqdishu.

Madaxweyne Farmaajo oo arrimo badan ka hadlay ayaa mar kale ku celiyey baaqa ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminsan fikirka Al-shabaab ay dowladda kusoo biiraan, kana tanaasulaan afkaarta xagjiriinta.

Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ka baxayaan dalka Somalia, haddii Al shabaab dagaalka ka joojiyaan dowladdiisa, islamarkaana hubka dhigaan.

Waxyaabaha kale ee uu ku faanay Farmaajo inuu qabtey waxaa kamid ah inuu la dagaalamay Musuq-maasuqa hoos u dhigay dalka, islamarkaana uu bixiyay mudadii uu Xafiiska joogay Mushaarka Ciidanka.

Dhanka Cadaaladda ayuu sheegay inuu ka shaqeyn doono 3-da Bilood ee soo socota.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Askari kasta oo ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka Somalia, oo waxyeello u geysta Shacabka la geynayo Tiirka, lana toogan doono.

Howlgalka Xasilinta Caasumadda ayuu sheegay in wax badan looga qabtey Xaaladda amni darro ee Muqdishu, wuxuuna ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan Hay'adaha amniga loo xilsaarey.

Dhanka kale, Mudadii 100-ka maalmood ee uu Farmaajo Villa Somalia joogay sameeyay Xilka-ka qaadis iyo magacaabis badan, wuxuuna sameeyay 10 safar oo dibadda ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM