Farmaajo oo sheegay inuu isbedelay xiriirkii DF iyo maamullada

Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Somalia - Waxaa magaalada Baydhabo maanta lagu caleema-saaray Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo xilkan loo doortay 19-kii bishii December ee 2018-ka.

Madaxweyne Farmaajo, Gudoomiyeyaasha labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaanno, Wasiiro iyo wafuud ka kala socotay Puntland, Galmudug iyoo HirShabeelle ayaa ka qeyb-galay munaasabadda caleema-saarka Lafta Gareen.

Farmaajo ayaa doorashadii Lafta Gareen ku tilmaamey mid taariikhi ah, oo u dhacday si dimuqraadi ah, xilli beesha caalamka ay cambaareeyeen rabshadihii ka dhacay Baydhabo iyo dadkii shacabka ahaa ee ciidamada dowladda ku toogteen magaalada.

Madaxweynaha ayaanan soo hadal qaadey 15-kii qof ee shacabka ahaa ee lagu dilay Baydhabo iyo xarigii Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa Musharixiinta kaasoo ciidamada Itoobiya xireen maalmo kahor doorashadii Lafta Gareen.

Midowga Yurub ayaa dhaqaalihii ka jaray Booliska Koonfur Galbeed kadib markii ay ku lug yeesheen dilka shacabka, iyadoo go'aankan markii uu soo baxay kadib ay Villa Somalia ay dalka ka ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobey, Nickolas Haysom.

Haysom oo xafiiska UNSOM joogey mudo billooyinka ah kadib markii uu ka dalbaday Wasaaradda Amniga Xukuumadda Somalia inay jawaabo ka bixiso wixii ka dhacay Baydhabo iyo sharciga u ogolaadey inay soo xirto Roobow.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhanka kale sheegay inuu is bedelay xiriirkii dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, maadaama hogaamiyeyaashii ugu tunka weynaa Gollaha Iskaashiga meesha ka baxeen.

HALKAN KA DAAAWO KHUDBADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM