Farmaajo oo shuruud ku xiray ku laabashada shirka Afasiyooni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa difaacay muddo kororsiga labada sano ee Golaha Shacabka qaabka halka dhinac ugu sameeyay.

Farmaajo oo u waramay telefishinka maxaliga ah ee Shabelle ayaa sheegay in baarlamaanka oo qudhiisa waqtigiisa ka dhamaadey uu awood u leeyahay in uu dalka badbaadiyo "haddii heshiiska siyaasadeed uu shaqeyn waayey".

Balse, Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 iskana fogeeyay in uu gedaal ka riixayey muddo kororsiga sharci daradda ah ayaa iska indhatiray in ku darsiga uu naqdiyey Aqalka Sare.

"Tan hadda taagan ee baarlamaanka ansixiyey anigu ma dhihi karo waa waqti kororsi. Waxaa laga guuray doorashadii dadbaneyd waxaa loo guuray doorashadda qof iyo cod," ayuu raaciyey, isaga oo xsusay in guddoonka Aqalka Hoose uu u madaxbanaanaa go’aankaas, wallow uusan caddeyn shaacin.

Hasa ahaatee, qodobka shanaad ee qaraarka jiheynta doorashooyinka ee Aqalka Hoose meelmariyey wuxuu xeerinayaan in labada sano ee soo aadan ay dowladda haatan jirto sii jireyso waddankana ka qabaneyso doorashooyin toos ah.

Muddo kororsigaas waxaa si xoogan uga hor-yimid wakiiladda Beesha Caalamka kuwaasoo ku sifeeyay mid halis ku ah dowladnimadda Soomaaliya isla markaana ku baaqay in wadahadaladda lasii waddo si deg-deg ahna xal loo gaaro.

Eedeynta Puntland iyo Jubaland

Puntland iyo Jubaland ayuu ku eedeeyay in ay caqabad ku yihiin qabashadda doorashooyinka. Labadii bilood ee ka dambeysay markii la saxiixay heshiiskii 17-kii September ayuu xusay in ay telefoonada dansadeen una safreen Imaaraadka iyo Kenya "halkaasoo ay kala yimaadeen shuruudo dheeraad ah".

"Ayaga mar walba waxay ku xadaaqaan in ay casuumeen Beesha Caalamka, laakiin xaqiiqdii anigaa casuumay. Xaqiiqdii waa dad meelo kale ku xiran. Ayagaana sheegay in ay meelo kale ku xiran yihiin," ayuu ku daray.

Shuruudaha uu carabka ku dhuftay in Puntland iyo Jubaland ay la yimaadeen ayuu ku qeexay "kuwa aan qeyb ka ahayn heshiiskii 17-ki September iyo soojeedintii guddiyada ku shiray xarunta KMG Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Sidda laga soo xigtay Farmaajo, shuruudahaas ayaa waxay kala yihiin; in Beesha Caalamka damaand-qaad ka noqoto shirka, in Baarlamaanka in la kala diro, in la kala bedelo taliyeyaasha ciidanka qalabka sidda, iyo in madaxwayneyaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed kasoo qeybgalaan shirka.

"Runtii qodobka ugu dambeeya waanba ka aqbalnay maxaa yeelay waa mas'uuliyiin hore. Laakiin qodobada kale waxaan u arkeynay in ay yihiin kuwa aysan awood u lahayn," ayuu hadalkiisa ku daray hogaamiye Farmaajo.

Ku laabashada shirkii Afasiyooni

Baa'inta heshiiska 17-kii September ayuu intaas ku daray in labadan maamul ay dalbadeen in meesha laga saaro isla markaana dib loo qoro heshiis cusub.

Dhanka kale, dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaan wali si furan uga jawaabin eedeymaha kaga yimid Farmaajo kaasoo ay kal hore dhankooda ugu eedeeyeen xagal-daacinta wadahadalada doorashooyinka qaranka diidayna xal kasta.

Kadib burburka shirkii Afasiyooni iyo muddo kororsiga buuqa dhalisay, wakiilada Beesha Caalamka, musharaxiinta iyo maamuladda qaar ayaa ku taliyey in dib loo bilaabo wadaxaajoodyadda si waddanka looga badbaadiyo in uu burburo.

Intii wareysiga socday, Farmaajo oo la hor-dhigay su’aal ku saabsaneyd in ay aqbalayaan baaqyadda ayaa si yaabo kala duwan uga jawaabay. Mar wuxuu sheegay in Beesha Caalamka aysan u yeerin karin qaabka dalka loo hogaaminayo. Mar kale wuxuu carabka ku dhuftay in ay suurtagal tahay in wadatashiga dib loogu laabto. Hasa ahaatee, wuxuu shuruud ka dhigay in aan laga hadli doonin heshiis siyaasadeed laguna dhaqmaayo sharciga Golaha Shacabka ansixiyey.

"Maxaa yeelay heshiiska oo dhigayey doorasho dadban waxaa ka dambeeyay go’aanka iyo qaraarka baarlamaanka oo ah doorasho toos ah oo dadka Soomaaliyeed awooda dib ugu celinaya," ayuu hogaamiye Farmaajo hoosta ka xariiqay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Daacish kala wareegay Saldhigyo Muhiim ah

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay uga cirib tiri lahaayeen kooxaha argagixisada gobolka Bari.

  • Soomaliya

    25-02-2025

  • 10:33AM

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM