Farmaajo oo si adag uga hadlay dibad-baxyada iyo dilalka Bajaajleyda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Farmaajo ayaa si adag uga fal-celiyay dilalka tusbaxa afka furtay noqday oo ay ciidanka dowladda u geysanayaan darawalada mootada Bajaajta.

Toogashadii ugu dambeysay waxaa lagu khaarijiyay isgoyska Howladaag ee Muqdisho Maxamed Deeq Foolay, oo ahaa darawal Bajaaj, xili lala dilay ruux kale oo la saarnaa mootada.

Isaga oo ka hadlayay munaasabad lagu taageerayay howlgalada ciidanka dowladda ayuu hogaamiyaha dalka cambaareeyay dhacdadaasi, tacsina u diray ehelada marxuumka.

Farmaajo, oo sidoo kale ah, taliyaha guud ee ciidanka qalabka ee Soomaaliya, ayaa qiray in xoogaga dowlada laga dhax-helayo askar xun oo dhiiga shacabka baneysatay, balse digniin ayuu u diray.

"Hal malay badda mawada qurmiyo … laba ama hal oo askari xun waa laga dhex-helayaa ciidankeena … askarigii dila qof shacab ah ma helayo meel uu ku dhuunto sharciga ayaa la horkeynayaa," ayuu yiri.

Mudaaharaadyo looga soo horjeedo dilalka bajaajleyda isla markaana cadaalad lagu dalbanayo ayaa hareeyay wadooyinka Muqdisho kadib toogashada Maxamed, hasayeeshee Farmaajo ayaa dhaliilay.

"Ma ahan in dadku ay sharciga gacmahooda ku qaataan dowlad baad leedihiin oo aad doorateen, xoog kuma aanan imaan," ayuu hadalkiisa ku daray madaxwaynaha.

Madaxwaynaha ayaa ku booriyay dibad-baxayaasha iyo cid kasta oo wax tabaneysa in ay tabashadooda kusoo gudbiyaan nidaam sharciga waafaqsan, oo aysan waxyeelo gaarsinin goobaha danta guud.

"Waan ka xunahay wixii dhacay, oo ah wax aan kasoo gudubnay," ayuu daba dhigay isaga oo ka fal-celinaya mudaaharaadyadda. "Dowlad baad leedihiin u soo sheegta waxaad ka cabaneysaan," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, Farmaajo ayaa waxa uu wacad ku maray in maamulkiisa uu gacan bir ah ku qabanayo "cadowga qaranka Soomaaliyeed oo ah Al-Shabaab" isaga oo taageero waydiistay dadwaynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM