Farmaajo oo si maqaam hoose loogu qaabilay Addis Ababa

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey ayaa ka qeybgalaya caleema-saarka Abiy Axmed.

MUQDIHSO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa halkaas waxay uga qeyb geli doonaan munaasabadda caleemasaarka dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.

Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa ka mid ah Madaxda dalalka Afrika iyo Caalamka ee lagu maamuusay ka qeyb galka munaasabaddan, iyada oo la adkeynayo xiriirka miro-dhalka ah ee ku dhisan is ixtiraamka Qarannimo iyo daris wanaagga ee ka dhexeeya Labada dal.

Madaxweynaha iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelisa safarkan ayaa kulan doceedyo la qaadan doona wufuudda dhiggooda ah ee ka socda dalalka ka qeyb galaya munaasabaddan, si loo xoojiyo xiriirka kobcaya ee dalkeennu uu la leeyahay caalamka.

Safarka waxaa Madaxweynaha ku weheliya Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada, Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

Farmaajo waxaa garoonka kusoo dhaweeyay wasiirka maalyada Itoobiya, Axmed Shide, halka madaxda kale ee Afrika uu qaabilay Abiy Axmed oo mar labaad xafiiska loo dhaariyey.

Tani ayaa dad badan waxay ku sifeeyeen in ay tahay hoos-u-dhigid lagu sameeyay maamuuska Farmaajo maadaama hogaamiyeyaasha lamidka ah uu Abiy qaabilay balse isaga uusan soo dhaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM