Farmaajo oo si qarsoodi ah u qaabilay wafdi Itoobiyaan ah
MUQDISHO, Soomaaliya – Wafdi sarre oo ka socda dalka Itoobiya ayaa Jimcadii Muqdisho si qarsoodi ah kula kulmay madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidda ay warbixinada sheegayaan.
Socdaalkan oo saxaafadda laga qariyey ayay labadda waddan illaa haatan waxa aysan ka bixin tafaasiil dheeraad ah ujeedada iyo fahfaahin kulanka.
Jeneraal Birhanu Jula Gelalcha, taliyaha ciidamadda Itoobiya, iyo Shimelis Abdisa, madaxweynaha ismaamulka Oromada, ayaa lagu waramay in Villa Soomaaliya ay Farmaajo kula yeesheen wadaxaajoodyo albaabadda u xiran yihiin.
Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in wadahadalka ay diirada ku saareen ciidamadda Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya iyo doorashooyinka.
Booqashadan wafdigan ayaa kusoo hagaageysa xilli is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka ay kamid tahay gobolka Gedo halkaasoo ciidamo Itoobiyaan ah u joogaan fulinta qorshaha dib u doorashadda madaxweyne Farmaajo.
Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya oo tiradooda lagu qiyaaso 4,500 ayaa qaarkood waxay ka tirsan yihiin AMSIOM, halka qaar kale ay ku joogaan is-afgarad dhexmaray labada dal – waana kuwa danaha siyaasadeed fuliya.
Askarta aan qeyb ka ahayn AMISOM ayaa lagu waramay in qaarkood ay ka baxeen Soomaaliya kuna biireen howlgalka Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu kaga dhawaaqay gobolka Tigray halkaasoo khasaaro ka dhashay.
Ciidankan oo meelaha ay joogaan ay qeyb ka tahay Baydhabo ayaa ku lug-yeeshay dhacdooyin dhiig shacab ku daatay si gaar ah doorashadii Koonfur Galbeed oo xarig ay Mukhtaar Roobow kula kaceen ay ku dhinteen 11 rayid ah.
Tan iyo markii xukunku qabtay, Farmaajo ayaa aad ugu dhowaa Abiy wuxuuna mid kamid ah socdaaladii uu Itoobiya ku tagay uu mar booqdey gobolka Oromada. Falanqeeyeyaashu waxay xusayaan in Farmaajo garab ka doonayo Itoobiya gaar ahaan in ay kala shaqeyso wiiqitaanka mucaaradka kasoo horjeeda.
Xukuumadda Addis Ababa oo sanadihii ugu dambeeyay galaangal ku lahayd siyaasadda Soomaaliya ayaan wali caddeyn mowqifkeeda ku wajahan coddeynta 2020-21 ee waddanka. Balse, ma qarsoon in Farmaajo u dhow-dahay.
Warsidaha Garowe Online ayaa sanadkii hore baahiyey in ciidanka Itoobiya isku dayeen in ay madaxweynaha Jubaland ay ka qabtaan Kismaayo si doorashadda halkaas ka dhaceysa ay qorshaheeda ku maamusho Villa Soomaaliya.
Safarka wafdiga Itoobiyaanka sidda qarsoodiga ah ugu yimaadeen Muqdisho ayaa kusoo hagaagaya xilli warar soo baxaya sheegayaan in askartii Soomaaliya tababarka ugu dirtay Eritrea ay ku dhamaadeen dagaalkii ismaamulka Tigray.
GAROWE ONLINE