Farmaajo oo siyaasadeeyay iskaashiga Puntland iyo Galmudug
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu siyaasadeeyay heshiiska amni ee ay kala saxiixdeen Puntland iyo Galmudug.
Heshiiskaas shalay ay qalinka ku duugeen wasiirada amniga labadda maamul ayaa ku saabsan la dirirka Al-Shabaab, ka xoreynta degmada Bacadweyne, xaqiijinta amniga degmada Hobyo, wadaaga macluumaadyadda sirdoonka iyo qaadista howlagalo wadajir ah. Siyaasadda heer federaal saameyn kuma lahan heshiiska iyo xiriirka ladaba maamul.
Hase ahaatee, Farmaajo oo xeerinaya dano siyaasadeed ayaa si toos ah ugu lug leh olole ka dhan ah heshiiskaas oo ay durba bilaabeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka uu hogaamiyo Axmed Cabdi Kaariye.
Farmaajo oo wajahaya cadaadis gudaha iyo dibada ah markii uu si sharci darro ah ugu darsaday laba sano ayaa wiiqida heshiiska u adeegsanaya kicinta bulshooyinka [beelaha] si ay u naqdiyaan iskaashigaas.
Axmed Shire Falagle, wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug, ayaa daqiiqado kadib markii qalinka lagu duugay heshiiska, wuxuu qoraal uu barta Facebook ku daabacay wuxuu ku cambaareeyay heshiiskaas.
"Iskaashi milatari ayey Gaalkacyo ku kala saxiixdeen dawladaha Galmudug Iyo Puntland. Wasiirada Amniga - Fiqi iyo Galan - Deegano Galmudug ah oo balaarana waxaa xoog ku haysta Puntland Yaasiinka iyo Tabaraka," ayuu yiri.
Golaha Siyaasada iyo Horumarinta Beesha Sacad oo sidoo kale war-saxaafadeed kasoo saarey heshiiskan ayaa sheegay in ay si xoogan u cambaareynayaan kuna sifeeyay "mid laga soo dhoodhoobay Garowe".
"Golaha Sacad waxay heshiiska iskaashi ciidan ee Axmed Macalin Fiqi saxiixay u arkaan shirqoolada Axmed Qoorqoor uu mudada dheer waday sidaas darteed ciidanka Sacad waxay ku negaan doonan fariisimahiisa lamana howlgeli doonin ciidan beeleedka Majeerteen," ayay ku dareen.
Dhawaqyadan ayaa la fahansan yahay in uu qeyb ka yahay ololaha Villa Soomaaliya iyo taliska Farmaajo bilaabeen markii uu soo shaac-baxay heshiiska oo maamuladu xuseen in ay yahay mid u adeegaya nabada gobolka Mudug.
Axmed Macalin Fiqi, wasiirka amniga Galmudug oo ka falceliyey dhawaqan soo yeeray ayaa difaacay heshiiska.
"Heshiiska Galmudug iyo Puntlamd ee dhanka amniga kuwa aan taariikhdiisa la socon, waxaan xusuusinayaa in heshiiskaasi uu ahaa 24 December 2020 magaalada Gaalkacyo, uuna dhexmaray laba wafdi oo labada Madaxweyne ay kala hogaaminayeen," ayuu Facebook ku qoray.
Wuxuu ku daray: "Argagixisada Alshabaab ee Galmudug amnigeeda halista ku ah waa in aan dhamaanteen u wada midownaa sidii dhulka iyo dadka looga xorayn lahaa oo aanan ekaan kuwo u xalaalaynaya Alshabaab dhulka ay qabsanayaan".
"Galmudug iyo Puntland waa laba maamul oo walaalo deris ah, xiriir wanaagsan ka dhexeeyo, iskaashi dhinacyo badan uu ka dhexeeyo dadkoodu nabad iyo horumar ay wada hiigsanayaan," ayuu kusoo xiray.
Maamulka Farmaajo ayaa afartii sano ee xukunka uu hayey wuxuu ku fashilmay in uu qodobadii hor-tabinta u lahaa qaranka sida ka xoreynta Al-Shabaab ee meelaha ay dalka ka xukumaan, hirgelinta siyaasad loo dhan yahay, dhameystirka dastuurka qabyada ah iyo xal u helida qadiyadda Somaliland.
Fashilka maamulka Farmaajo kasoo wajahay qodobadan ayaa waxay dhabaha u xaarey in waddanka uusan wali ka gudbin nidaamka qabiilka 4.5 iyaddoo qorshuhu ahaa in dalka ay 2020-21 ka qabsoonto doorashooyin qof iyo cod ah.
GAROWE ONLINE