Farmaajo oo socdaal laba maalmood ah ugu dhoofay Jabuuti

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxay magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxtooyadda Qaranka oo war kooban baahisay ayaa waxay shaacisay in socdaalka madaxweynuhu yahay mid rasmi ah kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

"Booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaana qaadanaysa muddo labo maalmood ah," ayaa lagu yiri qayb kamid ah bayaanka oo uu arkay warsidaha Garowe Online, xafiiska Muqdisho.

Labada madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay kulmaan wallow aanan si dhab ah loo ogayn arrimaha ay kawada xaajoon doono marka laga reebo in ay isla soo qaadan arrimo quseeya gobolka.

Jabuuti ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogan Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika, kaasi oo wada guluf ka dhan ah Al-Shabaab muddo ka badan tobban sano.

Arimaha Geeska Afrika ka taagan marka laga soo tago amniga ayaa waxaa qayb ka ah dacwadda dhanka badda ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo hortaala Maxkamadda Cadaalada Aduunka.

Kiiskaasi oo ay ICJ dib u bilaabeyso dhageysigiisa bisha September ayaa taagnaa tan iyo 2014-kii, waxaana uu ku saleysan yahay goob hodan ku ah Shidaal iyo Gaas oo ku taala sohdinta labada dal.

Dalka Jabuuti ayaa dhowaan ka diiday Kenya in uu uga tanaasulo kursi aan joogteyn ahayn oo yaala Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayna u wada tartamayaan dalalka Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM