Farmaajo oo Somaliland ugu baaqey in dib ula midoobaan Somalia [Daawo]

Image

MUQDISHU, Somalia- Munaasabad lagu xusayo 26 June oo ku beegan markii gobolada Woqooyi xornimada ka qaateen gumeysitihii Ingriiska ayaa lagu qabtey xarunta degmada gobolka Banaadir.

Munaasabadaan oo ay kasoo qayb galeen Madaxweynaha dowlada Federaalka ah, Ra'isal wasare Khayre iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa waxaa lagu soo bandhigey heeso iyo sugaan kale taasoo ka turjumeysay qiimaha midnimada leedahay iyo wadniyada.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia oo hadal ka jeediyey munaasabadaan ayaa ka hadlay qiimaha ay leedahay midnimada isagoo ugu baaqey shacabka Somalia gaar ahaan kuwo daga gobolada Somaliland iney ka qayb qaataan sidii dib loogu soo celin lahaa qaranimadii dalka Somalia.

"Waxaa Nasiib Daro ah Soomaali ehel wada ah, oo wada Dhashay iyo Hilbo aan kala Go' Laheyn,  Qaar yar oo Kooban in ay Doonayan  Xeyn Daab in ay Nagu Kala Haayaan.

"Waxaan walaalaheena gobalada waqooyi  Dhalin yaro iyo waayeel, Rag iyo dumarba ugu baaqayaa in ay tahay Mas'uuliyad inoo wada taala inaan Dib u hanano Qarannimadii Soomaaliyeed." ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo isagoo ka hadlaya xafaladii loo qabtey maalintii 26 June.

Somaliland ayaa ka go'dey dalka Somalia intiisa iyagoo waqtigaan dhsitey dowlad aan aqoonsi ka helin Calaamka.

Halkaan ka DAAWO khudbada Madaxweyne Farmaajo- xigasho Galeyr Centre 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM