Farmaajo oo soo gabagabeeyay booqashadiisa Koonfur Afrika

Image
Image
Image

PRETORIA, South Africa - Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdi Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu soo gabagabeeyay socdaalkiisa wadanka Koonfur Afrika.

Farmaajo ayaa dalkaasi u tegay ka qaybgalka caleemo-saarka hogaamiyaha cusub ee wadankaasi dhowaan dib loogu doortay ee Cyril Ramaphosa, kaasoo noqonaya midkii 5aad.

Intii uu ku sugnaa Koonfur Afrika waxa uu Farmaajo shir la yeeshay Soomaalida ku nool halkaasi, isaga oo uga xog-waramay xaalada uu wadanka ku sugan yahay.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu kasoo dego magaaaldda caasimadda ee Muqdisho, halkaasi oo qaban-qaabada soo dhaweyntiisa ay ka socoto.

Warar xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Farmaajo uusan soo mari doonin garoonka diyaaradaha Nairobi, caasimada Kenya, isla markaana uu sugaal [transit] kusoo noqonayo gegida Dar es Salaam ee Tanzania.

Arrintaan ayaa ka dambeysay markii todobaadkii hore garoonka Nairobi laga soo celiyey mas'uuliyiin Soomaaliyeed oo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano wallow kuwa kale ay Baasaboor shisheeye ku gudbeen.

Tani ayaa salka ku haysa xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay dacwad ay Soomaaliya u gudbisay maxkamada cadaalada aduunka oo ku aadan xadgudubka Kenya ee badda Soomaaliya.

Maxkamadaan fadhigeedu yahay wadanka Holland ayaa la filayaa in dhamaadka sanadkan ay soo saarto go'aanka ugu dambeeya xili wajigii koowaad ay Soomaaliya labinta heshay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM