Farmaajo oo taageero dibada ah u goobaya ku darsiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga idlaadey Farmaajo ayaa ka degay caasimada Democratic Republic of the Congo ee Kinshasa, sida uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Farmaajo ayaa, sidda ay macluumaadyadda muujinyaan, wuxuu la kulmaya madaxwayne Felix Tshisekedi oo haatan ah guddoomiyaha haatan ee ururka Midowga Afrika.

Socdaalka Farmaajo ayaa qeyb ka ah olole uu ku doonayo in uu taageero dibada ah si gaar ah AU ugu helo muddo kororsiga sharci darada ee labadda sano ah.

Illo wareedyo si dhow ula socda shirka ayaa u sheegay warsidaha GO in madaxwayne Uhuru Kenyatta uu dhankiisa tagi doono magaalada caasimadda ah ee Kinshasa.

Farmaajo, sidda xoguhu caddeynayaan, wuxuu dalbadeybla kulanka Kenyatta si loo qaboojiyo arrimaha ay isku hayaan kuna jirto dacwadda badda.

Midowga Yurub ayaa lagu waddaa in uu dhowaan shir degdeg ah ka yeesho arrimaha Soomaaliya gaar ahaan xaaladda cakiran ee dhanka siyaasadda.

"Kahor kulanka, Farmaajo waxaa la kulanka Felix Tshisekedi kula taliyey wakiilka AU ee saaxiibadda ay yihiin kaasoo ku sugan Muqdisho," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Muddo kororsiga labada sano ee taliska Farmaajo sameystay ayaa la kulantay cambaareyn caalami ah iyo hanjabaadyo kaga yimid wadamada reer Galbeedka kuwaasoo ku goodiyey cunaqabateyn xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM