Farmaajo oo Taliyeyaasha ciidanka ka dalbaday inay is-casilaan [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku canaantay teliyeyaasha ciidamada fashilka amni ee Muqdisho, kadib kulan gaar ah oo uu kula qaatey Villa Somalia.

Farmaajo ayaa shir saacado qaatey xalat la yeeshay 4 Taliye ee ciidamada DF, Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo saraakiil kale, kuwaasoo uu ka dalbaday inay xilalka iska-casilaan, hadii aysan waxba ka qaban karin amni xumada Caasimadda.

Madaxweynaha oo u muuqday mid aad uga caraysan amniga faraha ka baxay ee Muqdisho ayaa u sheegay mas'uuliyiinta kulanka ka qeybgashay in dilalka iyo qaraxyada joogtada ka noqday magaaladda ay yihiin kuwa aan loo dulqaadan karin.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli Todobaad kahor Muqdisho ay ka dhaceen afar qarax, oo saddex kamid ah hal habeen lagu weeraray xarumo ganacsi oo ku yaalla wadada Makka Al-Mukarrama, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof oo shacab ahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay weerarkii Makka Al-Mukarrama lamid yahay midkii Zoobe, 14-kii October ee 2017, kadib markii ay burbureen dhismayaal badan oo huteello ay kamid yihiin.

Tan iyo markii la doortay Farmaajo Febuary 2017, waxaa Muqdisho ka dhacay weeraro qaraxyo ah, oo dad badan ay ku dhinteen, iyadoo lagu dilay magaaladda mas'uuliyiin badan iyo Xildhibaanno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM