Farmaajo oo u safray dalka Sucuudiga

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran, oo uu hogaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Riyadh, ee caasumadda dalka Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan xubno katirsan Labada Golle ee dowladda, ayaa ka qeybgalaya Shirka Dalalka Muslim-ka iyo Mareykanka oo saacadaha soo socda ka furmayo magaalada Riyadh.

Boqorka dalka Sacuudiga Salman Bin Cabdicasiis ayaa ku casuumay Farmaajo Shirka, si hogaamiyaasha ka qeybgalaya u siiyo Warbixin ku aadan Xaalada dalka Somalia, gaar ahaan amniga iyo bini'aadanimada.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Kulan gaar ah la qaadan doono maanta Donald Trump inta uu socdo Shirka, oo kawada hadli doono dagaalka ka dhanka Al shabaab.

In ka badan 50 hogaamiye, ayaa lagu casuumay Shirka Riyadh, oo socon doono mudo labo maalmood ah, kaasi oo la filayo in diirada lagu saaro xiriirka maamulka cusub ee Trump iyo dalalka Muslim-ka ah.

Ajandooyinka Shirka lagu gorfeyn doono, waxaa kamid ah Argagaxisada, Xagjirnimada iyo mamnuucida uu Trump ka mamnuucay shacabka Lix wadan oo Muslim ah inay galaan dalka Mareykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM